Afhayeenka Amisom "Marka anigaa dhex taagan oo idin kala hadlaya Shabaabna ma joogaan"

0
Monday July 18, 2016 - 12:03:44 in Wararka by
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Amisom "Marka anigaa dhex taagan oo idin kala hadlaya Shabaabna ma joogaan"

    Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa shalay Magaalada Marka waxa ay u kaxeeyeen Kooxo suxufiyiin ah, kuwaasi oo soo arkay sida ay tahay Xaalada Magaalada Marka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa shalay Magaalada Marka waxa ay u kaxeeyeen Kooxo suxufiyiin ah, kuwaasi oo soo arkay sida ay tahay Xaalada Magaalada Marka.

Wariyeyaasha tagay Magaalada Marka, ayaa waxaa loo kaxeeyay gudaha Magaalada Marka, waxaana halkaasi kula hadlay Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Afhayeenka AmisomJoe Kibet oo dhex taagan Magaalada gudaheeda, ayaa sheegay inuu beeninaayo Wararka sheegaya in ciidamada Shabab ay joogaan Magaalada gudaheeda.

"Waxaan ku sugannahay Marka sida aad aragtaan, ulajeedka ayaa ah in dadka loo sheego in magaalada ay maamulayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom, bartamaha magaalada oo hadda taagannahay ayaa xaqiijinaya in Marko aanay ku sugneen Alshabaab, mar kale ayaan leeyahay waa been warka dhahaya Al­shabaab ayaa Marko maamulaya.” Ayuu yiri Afhayeenka Amisom

Marka 2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Marka laga soo tago dhinacyada ku hardamaya Magaalada Marka gudaheeda, guud ahaan waxaa isbedel ku yimid Muuqaalka Magaalada oo bur bur xoogan uu ka muuqdo iyo in laga dareemaayo Magaalada inay ka daashay dagaalada.

Dad badan kuma sugna Magaalada Marka oo xaaladeeda aanan caga badan ku taagneyn, waxaana jirta cabsi xoogan oo ku aadan in dagaal uu ka dhaco Magaalada gudaheeda, maadama Shabaabka ay joogaan meel aanan ka fogeyn Magaalada.

Marka 1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Magaalada Marka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federalka Somaliya inay masuul ka tahay amnidarada ka jirta Magaaladaasi, maadaama ciidamada Magaalada jooga aysan aheyn ciidan Dowladeed, balse ay yihiin ciidan Qabiil.

Shacabka reer Marka ayaa u baahan helida amni ay ku naaloodaan cauurtoodana ay wax ku bartaan, waxaana masuuliyada arintaasi ay saaran tahay Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Somaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip