Madaxweynaha Somaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi

0
Monday July 18, 2016 - 11:49:44 in Wararka by
  • Visits: 392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Kigale ee dalka Rwanda Madaxweynaha dalka MasarAbdel FattahSaeed Hussein KhalilEl-Sisi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arimaha labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Kigale ee dalka Rwanda Madaxweynaha dalka MasarAbdel FattahSaeed Hussein KhalilEl-Sisi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arimaha labada dal.

Sida laga soo xigtay Afhayeenka Madaxweynaha dalka Masar Calaa Yusuf, Dowladda Masar ayaa u balan qaaday Dowladda Somaliya sii wadista, taageerada ku aadan taakuleynta iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka Somaliya.

Madaxweyne El-Sisi ayaa dhigiisa Somaliya u sheegay in mar waliba taageerada Somaliya ay siiyaan ay tahay mid ay ku doonayaan inay ku soo noqoto xasiloonidii iyo kala dambeyntii dalka Somaliya ka jiri jirtay.

Hogaamiyaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha Masar, taageerada Dowladiisa, mar waliba ay la garab tagan tahay Dowlada Somaliya.

Wuxuu sheegay Somaliya inaysan aheyn sidii ay ahaan jirtay sanado ka hor, islamarkaana dalka hada uu yahay mid amniga, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo horumaro kala duwan ku tilaabsanaya.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud, ayaa Magaalada Kigale ee dalka Rwanda kaga qaybgalaya Shir Madaxeeda Wadamada Afrika, halkaasi oo madaxweynaha ay isku arki doonaan Madax kala duwan.

Somaliya ayaa waxa ay taageero ka heshaa Dowlado kala duwan, hayeeshe Siyaasada arimaha gudaha Somaliya ayaa lagu dhaliilaa Dowladda Xasan Sheekh inay ku fashilantay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip