Dr. Beyle oo cashar ku saabsan dhaqaalaha Somalia ka bixiyay Jaamacadda Banaadir

0
Sunday July 17, 2016 - 20:19:01 in Wararka by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Beyle oo cashar ku saabsan dhaqaalaha Somalia ka bixiyay Jaamacadda Banaadir

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda dowlada federaalka Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa cashar ku saabsanaa xiriirka dhaqaalaha & dowladnimada ka bixiyey Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda dowlada federaalka Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa cashar ku saabsanaa xiriirka dhaqaalaha & dowladnimada ka bixiyey Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku taqasusay cilimiga dhaqaalaha ayaa shahaadada Phd ku diyaariyey Jaamacad ku taalla wadanka Maraykanka, waxaana haatan uu madax ka yahay qeybta mashaariicda ee Bankiga horumarinta Afrika (African Development Bank), isagoo dhinaca ah Suugaanyahan.

Munaasabada dhegeysiga casharkan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray, Wasiiro hore, xildhibaano, howlwadeeno ka socday bankiyada ka jira dalka, maamulka iyo hormuudyada kuliyadaha jaamacadda Banaadir qaarkood, ardayda wax ka barata kuliyadda dhaqaalaha jaamacadan iyo xubno kale.

Hormuudka Kuliyada dhaqaalaha ee jaamacada Banaadir C/raxiin C/qaadir Xasan (Shiil) oo hadal kooban ku furay munaasabada ayaa sheegay in casharada noocan ah ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda kuliyadda dhaqaalaha oo uu xusay iney horumar mug weyn ku talaabsatay labadii sano ee ay jirtay, isagoo ardayda soo xaadiray ugu baaqay iney ka faaideystaan.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka waramay kuna dheeraaday xiriirka ka dhexeeya dhaqaalaha iyo dowladnimada, isagoo xusay in dowlad aysan jiri Karin haddii aysan laheyn ilo dhaqaale oo ay ku maareyso waajibaadka iyo howlaha ay umadda u heyso.

"Isha ugu weyn dhaqaale ee dowladi ku shaqeyso waa canshuuraha, haddii aan dowlada canshuur la siinin inaad wax ay qabato iska daaye xitaa ma sii jiri karto” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Waxaa dhinaca kale ka hadlay Somalia oo uu tilmaamay iney ku jirto wadamada ugu dhaqaalaha liita caalamka sababo la xiriira burbur, dagaalo & nidaam la’aan ka jirtay muddo rubuc qarni ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in dalkeena lagu leeyahay lacag deymo ah oo gaaraya illaa shan bilyan oo dollar, taasoo uu sheegay iney Somalia curyaamisay, kuna weysay dhaqaale fara badan oo ay heli laheyd, wuxuuna xusay in dowlada badan laga dhaafay deymo noocaas ah markii ay buuxiyeen shuruudo ay ku xireen heyada lacagta ee IMF iyo Bankiga aduunka, isagoo tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka jirta ay tahay iyadoo aysan jirin wax Soomaalidu ay heshiis ku tahay, wuxuuna ardayda kuliyada dhaqaalaha u sheegay iney u taallo mustaqbalka dhow shaqo adag oo ku saabsan sare u qaadida maamulka dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhinaca kale si kaftan ah u soo hadal-qaaday xanta sheegaysa inuu yahay Suugaanyahan, wuxuuna xusay in isagu uusan aheyn suugaan-yahan buuxa balse ay maansooyin iyo heeso ka soo maaxdaan marka uu qiiroodo uuna arko dhibaatoyinka dalka ka jira, wuxuuna balan-qaaday inuu kulamo kale kaga warami doono Suugaantiisa oo u badan kuwo wadani ah, isagoo dhinaca kale si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen ardaydii kulankan soo xaadiray.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa uga mahad celiyey Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle casharka qiimaha badan ee uu halkaas ka jeediyey.

"Dr. Beyle oo safar ku soo gaaray Muqdisho runtii isaga ayaa soo dalbaday inuu ardayda Jaamacadda qeybta dhaqaalaha la hadlo, si uu faham guud uga siiyo xaalada dhaqaalaha dalka iyo qaabka looga bixi karo, ugana faa’iideeyo waayo aragnimadiisa shaqo aad baana uga mahad celineynaa marar kale oo badana inuu noo yimaado waan ku balanay” ayuu yiri Dr. Dalmar Gudoomiyaha jaamacada Banaadir.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aasasayaasha Jaamacada Banaadir, ahna xildhibaan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ku amaanay Dr. Beyle sida uu u gartay inuu qeyb ka mid ah aqoontiisa uga faa’iideeyo ardayda jaamacada Banaadir.

"Booqashada uu noogu yimid wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Dr. Beyle si uu ardayda jaamacada ula wadaago aqoontiisa waxay muujineysaa jaceylka uu u qabo cilmiga iyo in ardaydu ka faa’iideystaan Waayo aragnimadiisa aqooneed aad baana uga mahad celinaynaa, amaan fara badan ayuuna naga mudan yahay” ayuu yiri Prof Dufle.

Munaasabada dhegeysiga casharkan oo ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore, wasiirkii hore ee beeraha Somalia Cabdi Axmed Baafo,Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Jamaal Qaasim Mursal, gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Banaadir ahna hormuudka kuliyadda shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacada Dr. C/raxmaan Xasan Cumar, Hormuudka kulliyadda Cilmiga Dhulka & Bay’ada ee Jaamacdda BenaadirProf. Cabdulqaadir Abiikar Xuseen iyo xubno kale.

beyley-3beyley-2beyleh-9beyleh-99beyleh-09beyleh-7beyleh-6


beyleh-4beyleh-1beyleh



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip