Hobolka Shay Mire Dacar oo galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
Sunday July 17, 2016 - 20:00:51 in Wararka by
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hobolka Shay Mire Dacar oo galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

    Hobolka codka macaan ee Shay Mire Dacar, ayaa waxaa uu galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ka dib muddooyinkii ugu dambeysay oo Magaalada Hargeysa uu ku xanuunsanaayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hobolka codka macaan ee Shay Mire Dacar, ayaa waxaa uu galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ka dib muddooyinkii ugu dambeysay oo Magaalada Hargeysa uu ku xanuunsanaayay.

Shay Mire Dacar, ayaa 3-dii galabnimo ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaala xaafadda boqol iyo kontonka, sida uu xaqiijiyay walaalkii Caabi Mire Dacar.

"Allaha u naxariisto walaal waa uu geeriyooday Shay Mire Dacar. 3-dii galabnimo ayuu ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaala xaafadda boqol iyo kontonka. Muddooyinkii ugu dambeysayba wuu ku xanuunsanaayay.” Ayuu yiri Caabi Mire Dacar.

Caabi, ayaa intaa ku daray "Hadda waxaa la qaban qaabinayaa aaskiisa, goor dhow ayaana ku aasi doonnaa Magaalada Hargeysa.”

Shay Mire Dacar, ayaa fanka ka bilaabay Magaalada Ceerigaabo isagoo dhalinyaro ah, waxaana uu uga sii gudbay Magaalada Boosaaso, iyadoo sanadihii ugu dambeeyayna uu deganaa Magaalada Hargeysa.

Hobolka geeriyooday, ayaa sanadkii 2014-ka Magaalada London uga qaybgalay barnaamijka toddobaadka Soomaalida, oo sanadkiba mar lagu qabto London, waxaana lagu soo casuumaa abwaano iyo fannaaniin kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip