Erdogan oo Mareykanka ugu baaqay inuu ku soo wareejiyo Fathullah Gulen

0
Sunday July 17, 2016 - 10:18:38 in Wararka by
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan oo Mareykanka ugu baaqay inuu ku soo wareejiyo Fathullah Gulen

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inuu si deg deg ah ugu soo wareejiyo Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inuu si deg deg ah ugu soo wareejiyo Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay.

Erdogan oo meel fagaare ah kala hadlayay kumanaan taageerayaal isugu soo baxay magaalada Ankara ayaa ku eedeeyay Fathullah Gulen inuu maleegay afgambiga, waxaana uu ka codsaday mareykanka inuu ku soo wareejiyo.

"Mudane Madaxweyne waxaa si deg deg ah kaaga codsanayaa inaad Fathullah Gulen nagu soo wareejisoā€¯ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo codsi gaar ah u jeediyay Madaxweyne Obama.

Wadaadka lagu magacaabo Fathullah Gulen ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa dibad joog, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo Madaxweyne Erdogan, wadaadkan ayaa ku sugan GobolkaPennsylvania ee dalka Mareykanka.

Fathullah Gulen ayaa beeniyay eedeynta ka soo yeertay Madaxweynaha Turkiga ee ahaa inuu ka dambeeyay isku daygii afgambiga.

Illaa 3,000 oo ruux oo isugu jira askar, saraakiil ciidan u badan Generalo ayaa loo xiray isku daygii afgambiga fashilmay, waxaana dadka la xiray ka mid ah Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka oo xiriir la lahaa Fathullah Gulen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip