Mid ka mid ah beelaha Mudulood oo kulan muhiim ah Muqdisho ku yeelatay(Sawiro)

0
Friday July 15, 2016 - 21:27:18 in Wararka by
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah beelaha Mudulood oo kulan muhiim ah Muqdisho ku yeelatay(Sawiro)

    Kulan maanta ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanadda, culumaa'udiinka, haweenka iyo dhallinyarradda Beesha Yusuf Galmaax oo looga hadlayey aayaha dalka iyo kaalinta beesha kaga aadan ayaa ka dhacay Hotelka City Palac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan maanta ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanadda, culumaa'udiinka, haweenka iyo dhallinyarradda Beesha Yusuf Galmaax oo looga hadlayey aayaha dalka iyo kaalinta beesha kaga aadan ayaa ka dhacay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlayey arrimo badan ayaa qodobadda xooga lagu saaray waxaa ka mid ahaa saamiga beesha kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan la dhisi doono , maqaamka caasimadda Muqdisho iyo maamullka loo dhisayo goboladda Hiiraan iyo Shabellada dhexe.

Odayaasha dhaqanka beesha oo ka hadlay kulankan ayaa waxa ay sheegeen mowqifkooda ku aadan qofkii u matali lahaa Baarlmaanka federaalka ee la soo dhisi doono dhowaan.

Nabadoon Jiinow oo kullanka hadlay ayaa sheegay in Beesha Yusuf Galmaax ay ka mideysan tahay doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan isaga oo sheegay in sanadkaan beesha Yusuf Galmaax Baarlamaanka isku raacday shaqsigii uga qeyb geli lahaa.

Nabadoonka beesha Yusuf Galmaax Nabadoon Abuukar Cumar Adduunyo, ayaa sheegay dhammaan dhaqanka Beesha uu isku raacay 21 kii biishuu Juun ee la soo dhaafay fadhiya ay yeesheen ku soo xusheen shaqsigii Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya kaga qeyb geli lahaa isagoo ugu baaqay Ugaaska iyo Imaamka Beesha Mudulood inay u kali yeelaan saamiga Xildhibaannimo ee ay beesha Yusuf Galmaax leedahay sanadkan.

Inj. Axmed Sheekh Xasan oo Wasiir ka soo noqday dowladdii KMG ka ahaa ee dalka soo maray oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in sanadkan ay beesha kursi ku leedahay Baarlmaanka Federaalka islamarkaana diyaar u yahay inuu garab istaago shaqsiga ay isku waafaqeen dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha in uu u matalo Baarlmaanka cusub ee Soomaaliya.

Marwo Raagto Weheliye oo ka hadshay ayaa sheegay in hiil iyo hoo la garab taagan yihiin musharaxooda Xildhibaan iyada oo sheegay in ay beesha Yusuf Galmaax ka go’an tahay ka qeyb qaadashadda nabadeynta iyo midnimadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Sh.Dhexe Xuseen Xuseen Maxamed X.Dheere ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in beel walba oo Soomaaliyeed ka qeyb qaadato qarannimadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Mamulka Gobolka Shabelleha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulankan ayaa ka warbixiyey xaaladii ugu dambeeyey ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxa uuna sheegay in la soo gabagabeeyey howlgalo beesha degaanadeeda ay uga xorreysay Al Shabaab isaga oo soo dhoweeyey moowqifka beesha.

Gabagabadii kulanka ayaa laga soo saaray qodobadaan.

1- In Beesha ay diyaar u tahay inay sii waddo dadaaladda ay uga qeyb qaadaneyso nabaddeynta iyo qarannimadda Soomaaliya.

2- In Beesha ay dhiiro gelineyso dhallinyaradda beesha ee iskood isku abaabulay ka dibna dagaannadooda ka xorreyey Kooxaha Nabad Diidka ah.

3- In dabagal lagu sameeyo ballan qaadkii dowladda Federaalka gaar ahaan Taliska Ciidanka Xoogga ee ay sameeyeen dhallinyarrada beesha ee dagaanadooda ka xorreysatay Al Shabaab.

4- In beesha iska dhex bilowdo dhaqaalo uruurin lagu dhisayo waddo isku xirta Degmooyinka Jowhar iyo Raage Ceelle.

5- In beesha taageero ku bixineyso Musharaxa Xildhibaanka Federaalka oo ay soo gudbiyeen Odayaasha Dhaqanka.

6- Beesha waxay ku baaqeysaa in la dedejiyo dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

7- Beesha waxay ku baaqeysaa in la tageero dowladdnimadda iyo Qaranimadda Somaaliya.

8- Beesha waxay ugu baaqeysaa beelaha kale ee Soomaaliyeed inay dulqaad dheeraad u yeeshaan adkeynta xasiloonida dalka gaar ahaan inta lagu guda jiro xaaladda kala guurka ah.

9- Beeshi waxay baaqeysaa in la dardargeliyo sameynta maqaamka Muqdisho iyadoo la texgelinyo dadka degaanka

maxmuse (1)

maxmuse (2)

maxmuse (3)

maxmuse (4)

maxmuse (5)

maxmuse (6)

maxmuse (7)

maxmuse (8)

maxmuse (9)

maxmuse (10)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip