Wasiir ku xigeenka Qorsheynta oo kulan kula yeeshay Japan ardayda-Sawirro

0
Friday July 15, 2016 - 20:43:26 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ku xigeenka Qorsheynta oo kulan kula yeeshay Japan ardayda-Sawirro

    Wasiir ayaa dhinca kale ardeyda sharaxaad ka siiyay halka uu marayo qorshaha horumarinta qaranka somaaliyeed oo muddo ka badan 30sano ka dib in dalka uu sameysto qorshe seddaxda sano ee soo socata, iyadoo ay ku cad yahiin waxyaabo fara badan oo dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ayaa dhinca kale ardeyda sharaxaad ka siiyay halka uu marayo qorshaha horumarinta qaranka somaaliyeed oo muddo ka badan 30sano ka dib in dalka uu sameysto qorshe seddaxda sano ee soo socata, iyadoo ay ku cad yahiin waxyaabo fara badan oo dalka muhiim u ah.

Wafdi uu hogaaninayo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulaahi Shiekh Cali isla markaana ay ku wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda qorsheynta, agaasimaha Guud Wasaaradda Kaluumeysiga iyo mas’uulayiin kale , oo dhawaanahan ku sugnaa dalka Jabaan , ayaa la kulmeen ardeyda wax ka dhigta dalkaasi gaar ahaan jaamacadda TICAD.

Masuulayiinta waxay warbaxin ka dhageysteen ardeyda wax ka barta jaamcadaasi ugu wayn dalkaasi jaban ee TICAD ,iyadoona ardeyda ay isku jiraan Soomaaliya iyo ajaanib,waxayna ardeyda soo dhaweeyeen horumarka ballaaran ee ka jira dalka Soomaaliya isla markaana wasiirka, iyo mas’uulayiinta la socday wax ay ardeyda su’aalo ka waydiiyeen xaalada dalka uu marayo iyo samenta qorshayaha horumarinta qaranka.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa uga wajaabay su’aalaha ay waydiiyeen ardeyda ee ku qotamay xaalada dalka, isgoo u sheegay xaalada dalka in haatan ay mareeyso meel wanaagsan , horumar ballaaran la gaaray sanadahii dambe sida dib u dhiska hay’adda dowladda, malgashi fara badan ay sameynayaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib uga soo laabtay.

hinca kale mas’uulayiinta uu hogaaminayo Wasiir Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah,ayaa ka warbaxiyay kulanka ka dhacay Jaamacadda TICAD,in sidoo kale looga hadlay u diyaar garowga, shirka Africa iyo jaban ee lagu qaban doona 27 August dalka Kenya ,iyadoo shirkaasi ay ka soo qeybgalin doonan inta badan dowladda qaaradda Africa, kaasi oo ay qeybgali doonto dowladda somaaliya ,waxaana looga hadlayaa sidii loo horumarin karo qaarada Africa arrimo ay ka mid yahiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,sare u qaadida waxbarashada,iyo xirfadalayaal ay tabarayaso,Hay”adda JICA ee dalkaasi Japan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip