Madaxweynaha oo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ka dalbadey kordhinta dakhliga iyo bilicsamida caasimadda

0
Friday July 15, 2016 - 20:16:06 in Wararka by
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ka dalbadey kordhinta dakhliga iyo bilicsamida caasimadda

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casho sharaf ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casho sharaf ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa hadal uu u jeediyay guddoomiyeyaasha, waxaa uu ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay hayaan iyo horumarka ay gaareen, balse looga baahan yahay inay gaaraan horumar ka ballaaran kan ay hadda ku tallaabsadeen ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

"Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad dadaalka xoojisaan. Dakhliga aad uruurisaan waa inaad nidaamisaan, lana marsiiyo nidaamka maaliyadeed ee isla xisaabtanka, iyadoo la kordhinayo fulinta mashaariicda horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha’’, ayuu yiri Madaxweynaha


.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka dalbadey guddoomiyeyaasha degmooyinka inay ka shaqeeyaan bilicsamida caasimadda, maadaama Muqdisho ay tahay muraayaddii dalka.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadal ka jeediyay Guddoomoyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, isagoo ka warbixiyey waxqabadka maamullada degmooyinka gobolka.

------DHAMMAAD-----



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip