Labo Saxafi Mareykan ah oo la dilay, iyagoo si toos ah war u tabinaya

0
Thursday August 27, 2015 - 19:11:48 in Wararka by
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Saxafi Mareykan ah oo la dilay, iyagoo si toos ah war u tabinaya

    Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay shaqaalaha TV Mareykanka ku yaalla iyadoo si toos ah loogaga tabinayay barnaamij muuqaal ah, waxana rasaastaas ku dhintey labo saxafi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay shaqaalaha TV Mareykanka ku yaalla iyadoo si toos ah loogaga tabinayay barnaamij muuqaal ah, waxana rasaastaas ku dhintey labo saxafi.
Xabadaha ayaa billowday iyadoo weriyaha iyo qof sawir qaade ah ay wareysanayeen haweeney ku sugneyd meel laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Roanoke ee koonfurta galbeed ee gobolka Virginia.
                         Taleefishinka ka shaqeeya gudaha gobolka Virginia ee lagu magacabo WDBJ ayaa sheegay in weriyaha iyo sawir qaadahaba ay isla goobta ku dhinteen.
                        Labada qof ayaa kala ahaa Weriye Alison Parker oo 24 jir ahayd iyo sawir qaade Adam Ward oo 27 jir ahaa.

Dilka saxafiyiintan ayaa waxaa ka dambeeyay Vester Lee Flanagan oo ahaa weriye hore ugaga shaqeyn jirey Tv-gan isagoo isla goobta isku diley.
                    Flanagan, oo ah nin Maraykanka madow ka soo jeeda ayaa qoray waraaq uu ku sheegayo in isir neceyb loogu diiday in uu qabto shaqo uu u qaban karay taleefishinka.
                 Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay shacabka Maraykanka iyadoo hore dad cadaan ah u dileen dhalinyaro madow ah ayaa waxaa haatan la diley labo ruux oo caddaanka dalka Maraykanka ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip