ANIGA IYO GODKA JILICOOW ANIGA IYO GODKA JILICOOW (Xaqu haduu qaraar yahay soow qotomi maaha)

0
Thursday July 14, 2016 - 12:31:37 in Maqaallo by
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ANIGA IYO GODKA JILICOOW ANIGA IYO GODKA JILICOOW (Xaqu haduu qaraar yahay soow qotomi maaha)

    Qeybtii 4aad:- Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacey waxaan ka baranay in talada qaranka gacanta loo galiyo qabiilka, qabiilkuna uu soo xulo qofka aay u yaqaanaan (Nin karmeed) oo macanheedu yahay nin adeg oo qabiilka daacad u ah oo waxuu xaq u laha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybtii 4aad:- Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacey waxaan ka baranay in talada qaranka gacanta loo galiyo qabiilka, qabiilkuna uu soo xulo qofka aay u yaqaanaan (Nin karmeed) oo macanheedu yahay nin adeg oo qabiilka daacad u ah oo waxuu xaq u lahaa u soo dhiciya, waxa dad kalena u soo booba.
Habraac kasta oo siyaasadeed oo Soomaliya ka hana qaadey waxaa lagu saleeyay,halbeega 4.5 oo lagu sameeyay shirkii Carte ee wadanka Jabuuti,,waxaana gundhig looga dhigey orahda ah( Xaq maaha ee waa Xal) oo lagu muuneeyay marxaladan aan kaga gudubno oo xal ha inoo noqdo, marka aan hore u dhaqaaqno oo aan gaarno marxalad tan dhaanta aan dib u fariisano oo aan xaqa ka hadalno.

Soomaligii indho ku garaadlaha ah ee laab la kaca ku qaatey 4.5 xitaa haduu halbeegu ku suureynayay Soomalida xiligaas,ma keenin qorshe hufan iyo waqti cayiman,oo laga gudbayo , kam hadlin waxii lagu badali lahaa iyo dawada qaterta ka timaadaba lagu dabiibi lahaa,aloow sahal amuuraha, aloow yaa Somali qabiil ka fogeeyay,waxaa ugu soo dhaca markasta oo aan qabiil maqlo heestii Mustafa Sh Cilmi.


Nin aadan adiga dilin
In la dilayna aadan maqal
Ninka dilay aqooneeyn
Kan la dileyna adan arag
In Adiga laguu dilo
Ayaa qabiil darajadiis tahay
Qabyaaladeey dun
Daacuunka faafiyo
Aids waa ka daran tahay
Dadkii Carte ka soo qaadey dhibka manta Soomliya la ila daran tahay oo qarkood dhinteen waa kuwii sii cakirey in Soomaliya dib u soo kabato,waana dadkii sii adkeeyay in la dhisi waayo dowlad midnimo qaran, waa la ogaa in Soomali ay is diritey, is dishay laakiin maalintaa ka hor Somalia kalama tagin.

Bal dib u eeg halkaan joognay markii lagu guda jirey agaagumkii shirkii Carte Xaaji Maxamed Ibrahim Cigaal oo ahaa Madaxweynihii Somaliland horana u soo noqdey R/wasaaraha Soomaliya Ilaaheey ha u naxriistee ahaana dadka fara ku tiriska ah ee ka noolaa dadkii dhaliyay midnimmada Soomaliya ayaa la kulmay dad siyaasiyiin ah oo ka tagey magaalada casimada ah ee Mogdishu, waxaa ka mid aha siyaasiyiintaas Cabdi Qasim Salad Xasan oo soo noqdey wasiirka arimaha gudaha ee Soomaliya, markii dambe loogu doortey Magaalada Carte Madaxweynaha Soomaliya.

Cigal waxuu siiyay lacag ku dhow boqol kun oo doolar oo sooryo ah waxuuna kula taliyay "in Soomalida inteeda kale aay hishiiyaan soona gaaran heer la wada hadli karo isgoo u sheegay in dadkiisa Somaliland aay tashadeen oo aayahooda iyo mustaqbalkooda aay meel dhigteen oo ayna leeyihiin Calan, Madaxweyne iyo dowlad, diyaarna aaney u aheeyn in qaladkii dhacey uu mar kale ku dhaco, balse Soomali waa walale soo tashada ayuu ku yiri ”

Xubnihii siyaasiyiinta ahaa waxeey sii wateen socdaalkoodii mana dhuuxin hadalkii qiimaha badnaa ee Cigaal,,madasha iyo shirkii aay tageena ma geeyn kulankii aay la yeehseen, maskaxdoodana ma galin in arinkaasi aay fursad u ahaa Soomali weyn ,waxeey dhex maquureen badweyntii siyaasada Soomaliya.iyo damacii qof ahaaneed.

Siyasiyintii waqtigu sameeyay iyo hogaamiyaashii soo dagalamay waxaa la dhex galay mowjadii qabiilka iyo qorshihii ahaa in Soomalida qabiilo loo qeeybiyo ruux kasta oo qiimo lahna qabiilkiisaa lagu xadaday, leysma weydiin qabiil qaran ma noqon karaan? odey Soomali ah ayaa wiilashiisa waxuu ku yiri "nolasha dadku waa dagaalaan waana hishiiyaan, waxuu ku yiri waxaan idinka tagayaa hal dardaaran ee fuliyaa, hadad dirirtaan mandhooyinoow aad kala tagtaan ogaada xaglo kal tagey waa la isku soo celin karaa laakiin qalbi kala tegey la iskuma soo celin karo ee iska ilaaliya in qalbigiinu kala tago”.

Taariiqdu wax beey qortaa,, waxna weey ku bartaa ,waxii Carte aan ka baraney waxeey na baddeen ayaa ka badan, mana filayo in laga gudbi doono ilaa la gaaro in siyasada qabiilka laga madax banaaneeyo dadkuna aay noqdaan xisbiyo ku tartama aragti siyaasadeed iyo hufnaan maamul wanaag oo caadil ah.

Xiligii Carte ka dambeeyay qofka kasta oo loo soo xulay hogaamin mansab siyaasadeed waxaa uu ku shaqeenayay rebitanka qabiilka iyo kalsoonidiisa, waxaana soo baxay barnaamij siyaasadeed oo ku dhisan in diyada iyo siyaasda saamiga qabiilka;la dhex galiyo,uuna horseed ka noqdo kana taliyo odeyga dhaqanka ee beesha.

Halbeegii Carte oo 16 jirsadey waxba iskama badlin,mana la helin wax kale oo badali kara waxaana lagu sheega waxii ugu roonaa oo lagu wada hadli karey, dad kale oo badana waxeey qabaan in halbeegu ahaa musiibo kale oo Soomalida qoorta loo surey.
Shirkii labaad ee Jabuuti ee lagu soo doortey Madaxweyne Sh Shariif hanankaas 4.5 lama faragalin laakiin waxeey ku sii kordhiyeen si qabiilka la nasaqo, looguna milmo afkaar ahaan,waxaa lagu dhaqaaqay dhowr arimood oo hana qaadey laakiin aan ku saleyneyn qorshe cilmeeysan oo argti fog leh.
Qorhsahni waxuu xirriir la lahaa habka maamulka xerta iyo mowlacyada culumada sida Sheekh,Qaadumiin,Xer iyo bulshada ku xiran Mowlaca oo tahliil wadaag ah, habkan awooda kowaad waxaa lehaa Sheekha tan xigta waxaa lahaa Qaadunka ugu dhow sheekha ee heysta kalsonidiisa.Xormada ugu badan waxaa lahaa caa,ilada Sheekha laakiin awood uma lahayn in aay faragaliyaan habka maamulka xerta iyo Moowlaca.waxaana laga xusi karaa ficiladoodii dhowrkan qodob:-

1- In qabiika lagu badalo koox ama shaqsiyaad isku tagey oo,tala wadaag ah oo ku shaqeeya afkaar aay isla ogol yihiin.

2- In dalka la isku furo oo siyaasada lala wadaago, madaxda maamulada gobolada oo ahaa qabiil la cimaamadey oo haykal maamul loo sameeyay,waxeeyna maamuladu ahaayeen Cucub ama Gandaal la doonayay in lagu samirsiiyo qabiilka,, fekaradnna waxaa aay ku saleeysneeyd in la dhageeysto taladana wax laga siiyo,,kadibna la baadi doono madaxweyne afkaar wadaag aay yihiin.

3- in dinta iyo siyaasada aan la kala saarin oo wadaadu aay talada wax ku leeyihiin oo aan afkaartooda aaney ku sinaanin fidinta diinta islaamka kaliya ee hogaaminta siyaasadana aay wax ku yeelan karaan.

4- In dadka aan wadaadada aheeyn ama feker ahaan aan taageersaneeyn lala diriro siyasadana laga fogeeyo.
Aragtidadan waxaa aay aheeyd isku day qabiilka laga dhex xulanayo qof kugu afkaar ah oo kala shaqeeyn kara mashruuca siyaasada,,.talabadani waxaa aay aasaas u noqtey in qabiilka laga dhigo cusbo ,hadba intii la doono laga isticmaalo,, marxaladaas waxeey qabiilka ku in dadka beeshu noqdaan Sumad wadaag ,waxaa la jiirey, habkii qabiilku uu wax ku soo dooran jirey oo aheeyd inuu qofka xilka qabanayo iska dhex keeno,,waxaa loo guurey in xisbi kasat ama koox kasta midka dantooda ka shaqeeynaya ama ku koox ah ama ku siyaasad ah in laga soo dhex xusho qabiilka.,ayada oo aan la eegeyn ,Waxqabad,Aqoon.Wayaragnimo iyo wadaniyad,
Qof kasta oo siyaasad doon ah waxaa loogu tala galey inuu noqdo sida gaariga TATA oo qolofkuna Hindi yahay matorkuna Jarmal yahay waxaana shaki ku jirin in la lumiyay habraacii qabiilka waxaa la dhihi karaa waa soo if bixi kooxaha yaryar ee islamiyiinta ah ee siyaasada madaxtoyada isku meerey arinkan waa arinta Soomaliya deganashaha siyaasada u diidey,,qofka siyaasiga ah ee maanta jira waxuu ka soo baxey xulashadii kooxdiisa, waxuuna ku yimid koontadii qabiilkiisa, mana laha aragtidada beeshiisa,wanaagisa iyo taladiisa horumarka uu sameeyo waxaa leh kooxdiisa ,xumaantiisa iyo qaladkii uu galo waxaa leh beeshiisa.

Qeybihii hore (Guji/Riix)

La soco qeeybta 5aad khamiista kale.

Waxaa .qorey Awil Dahir Salad

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip