Martino iyo Anzilotti 'Talyaanigii xukumi jiray Muqdisho'

0
Saturday July 09, 2016 - 11:06:00 in Maqaallo by
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Martino iyo Anzilotti 'Talyaanigii xukumi jiray Muqdisho'

    Gabar ku nool Mogadishu oo reer magaal iska dhigee ayaa laga yaabaa in mid miyiga ka timid ay ugu faanto.Anigu waxaa ku dhashay Isbitaalka Martiini, waxaana deganahay xaafada Ansalooti, laakin adigu baadiyaad ku dhalatay waxaadna degantahay Huriwaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabar ku nool Mogadishu oo reer magaal iska dhigee ayaa laga yaabaa in mid miyiga ka timid ay ugu faanto.Anigu waxaa ku dhashay Isbitaalka Martiini, waxaana deganahay xaafada Ansalooti, laakin adigu baadiyaad ku dhalatay waxaadna degantahay Huriwaay.waxaa laga yaabaa in tan ku faanee iyo tan loogu faanayo midna ayna aqoon asalka magacaa. Laga yaabee in akhristayaasha qaarna ayna aqoon.
Labaduba waxa ay ahaayeen laba wakiil isticmaar oo Somalia soo maamulay.1- Enrico Martino 1954 illaa 1957 AFIS. 2- Enrico Anzilotti 1957 illaa 24 July 1958 AFIS. Midka hore waxaa loogu magac daray isbitaal mar hore loo dhisay ciidamadii isticmaarka 1912. Halkaa isbitaalku ku yaal 400 sanno ka hor waxaa loo yaqiin Buula qooleey. Laakin weli isbitaalku waxa uu wataa magacaa isticmaariga ah. Magaca 2aad ee Ansalooti waxaa ninkaa isticmaariga ahaa loogu magac daray xaafad xamar ku taal, markii dambena dowladii kacaanka ayaa bedeshay magacaa oo Waaberi u buxisay.

Ogow weli waxaa jira magcyo isticmaarkii ka tagay oo dadkiisii uu ku magacaawday oo aan la bedelin welina aan ugu yeerno magacaa. Meeqa magac ayaad ka xasuusataa? Ma ogid miyaa in aad xoroowday macgacyada kale ee isticmaarkii nooga tagay welina carabkeena aan ka fuqin noo sheeg, Jawaabta adaa lagaa sugaa. Maxeey ahaayeen labadan nin:

Enrico Martino 1954 illaa 1957 AFIS

Wuxuu dhashay 29/1/ 1907 dhintay 27/4/1981.wuxuu ahaa xildhibaan talyani ah 1946 iyo wasiir ku xigeen.kadibna safiir magaalada Belgrad fadhiya,kadibna wakiil isticmaar oo Mogadishu fadhiya.kadibna mar kale safiir. Intii uu somaliya joogay, oday Martino oo shaqadiisii ku fashilmay ayaa Bilawgii bishii marso 1955, codsaday in xilkaa laga qaado, asagoo cadeeyay in uuna wadi Karin xilkaa , laakin lama cadeeyn sababta runtaa oo uu uga tagay laakin waa laga aqbalay cosdigiisii shaqa ka tagida oo waji dadbasha aheed .waxaase la aamin san yahay in Sabata runtaa ay aheed asaga iyo madaxdii ku meelgaarka xoriyada ee somaalida ahaayeen ay is waafaqi waayeen, dadkii oo kacay iyo xabsiyadii oo buuxsamay, xoola boob dhacay iyo bililiqo baahsan, wuxuuna ku fashilmay howshii isticmaarku ka sugayay.

Enrico Anzilotti 1957 illaa 24 July 1958 AFIS.

Wax yar kadib magacaabidiisii ,Bishii june ayuu anzaloti hor yimid golihii somalida ee ku meel gaarka ahaa, si uu u xaliyo cabasha badan oo somalida ka timid,wuxuuna hor dhigay 6 qodob,oo uu u arkayay in somalida uu ku dajin karo buuqooda waqtiga yar ee xoriyada ka dhiman qodobada oo ahaa. 1- xilalka muhimkaa qaar in loo dhiibo somalida.2-in la fidiyo shaqooyinka somaalidu qaban karto.3-in la mideeyo aragtida xisbiya badan ee Somaliya markaa ka jiray .4-Nidaam guud in la abuuro,5-in la abuuro mashaariic dhaqaale.6-in dib u eegid lagu sameeyo miisaaniyada ,waxyaabaha laga maarmana laga dhimo…

(( Hadda intii ansalooti laga soo koobiyay ayaa weli naloo sheegaa miyaa ? ,ka soco)).

Xilalkii muhim ahaa ee soomalida loo magacaabayay waxa ay noqotay, in Md. Xassan Nuur loo magacaabo maamulkii Hiiraan. Md. Cali Cumar Sheego, Buula burte. Md. Xaaji Bashiir Ismaciil, Baraawe. Md. Islaaw Mahadale maxamed, Cadale. Md. Xaaji Saalax Sh. Cumar Balcad, iyo xilal hoose oo loo magacaabay rag ay ka mid ahaayeen Md. Cabdi Aadan, Md. Mohamed Sh. Xassan, Md. Cabdirashiid cali Sharmaake, Md. Amiin Cabdey Cabdi, waxaa kale oo Somalida shaqooyin laga siiyay meela kale sida postada, dekeda, oo hore talyaani u hayay iyo 48 sarkaal oo Boolis ah oo xilal hoose lagu meeleeyay iyo ugu dambeeyntii in 20/3/ 1956 ,Md. Jamac Gaani Axmed loo magacaabo Mogadisho oo markaa degma aheed.

(( waa sida maantaba qabiil kasta leeyahya xil ha nala siiyo ….duruustii Ansalooti laga dhaxlay in xil been ah dadka lagu qanciyo miyaa, ma ogi , ka soco)).

Qodobka Mideeyntii Xisbiyada oo aan isleeyahay talyaanigu wuxuu is lahaa uga hor tag leegada SYL oo awoodeedu sii kordheeysay waxa ay ku bilaabatay , in Xisbiga Demoqarrdiyada Somalia uu mideeyay 5/8/1955 Axsaab kale oo ay ka mid ahaayeen.1-Xisbiga Midawga Afrika iyo Somali. 2-Xisbiga wadani midnimada Somali. 3-Horuumarinta somaliyeed. 4-jamciyada dhalinyarada Abgaaliya.5-hidaayatul islaam. 6-xisbiga shiidle & moobleen..waxa uu gudoomiyuhu yiri: mideeyntaan waxaan uga gudbeeynaa xisbiyada qabiilka waxaana u gudbeeynaa kuwa qaran, maxaa ka dheeraaday 3 bil kadib bartamihii bishii December 1955 waxaa abuurmay xisbiga dhalinyarada Hawiye oo inkastuu magac qabiil watay hadana dastuurkiisa ku qortay in uu mideeynayo dhamaan dhalinta somaliyeed asgoon qabiil u fiirin, iyo in uu barayo dhalinyarada demoqaraadiyada cusub. Waxaa kale oo midoobay xisbiyo magacya qabiil si toos ah iyo si dadbanba u watay uu ka mid ahaa xisbigii Gareed.

((maanta waxaan maqleeynaa xisbiyaa midoobee armaa looga dan leeyahay sida taa hore oo kale in looga hor tagu dad aaminsan wixii SYL aaminsaneed,ma ogi,iska hubi aragtiyada siyaasadeed ee dalka ka jirto, iska ogow cidda ay u adeegayaan ha ogaadeen iyagu ama yeeyna ogaanine, macnaha ha u qaadan in aan diidanahay in argtiyo xisbiyeedyadu ay midoobaan, ee naga hubi aragtida loo midoobayo oo laga yaabo in horjooguhu uuna ogeeyn laftiisu)).

Wuxuu xilkii Ansaloti ku wareejiyay Mario di Stefano oo joogay 9/10/ 1958 illaa 1 july 1960.

FG. Danteeydu ma aha in aan ku baro gaalo isticmaari aheed ee Waxaan qoraalkan uga danleeyahay in jiilka cusub wax un ay ka ogaadaan wixii dalku soo maray, si ay xisaabta burrito ugu darsadaan…Xor ayaad u tahay in aad qoraalkan wax ka bedesho, beeniso, ku kordhiso. Aragtidaadu waa muhim.

13615295_1154549064586825_8687297286143088091_n13620941_1154549257920139_4132706865110703606_nQore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip