Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta oo markii u horeysay Muqdisho ka furmay

0
Thursday August 27, 2015 - 18:57:24 in Wararka by
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta oo markii u horeysay Muqdisho ka furmay

    Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Palace Bandhiga caalamiga ee Buugaagta (Mogadishu International Book Fair), kaasoo socon doona muddo saddex cisho ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Palace Bandhiga caalamiga ee Buugaagta (Mogadishu International Book Fair), kaasoo socon doona muddo saddex cisho ah. Bandhigan oo ah kii u horeeyay noociisa ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay dowladda, Bulshada Rayidka, Qorayaal, Hal Abuurayaal, dhalinyaro, haween iyo dad kala duwan oo lagu casuumay bandhigan.
                         Maxamed Sheekh Cali (Maxamed Diini) oo hormuud u ahaa dadkii soo qaban qaabiyay Bandhiga Buugtaas ayaa sheegay inay tahay markii u horeysay oo Muqdisho lagu qabto bandhig ceynkan oo kale ah muddo labaatan sano ka badan.
                   Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay marti gelisay Carwo Caalami ah oo ay ka soo qeyb galeen Qorayaal caan ah, isla markaana lagu soo bandhigay kumanaan kun oo buug xambaarsan aqoon kala duwan.

                     Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in bandhigan uu meesha ka saarayo sawirkii qaldanaa ee laga aamisanaa magaalada Muqdisho, isagoo u mahad celiyay dadkiika soo shaqeeyay Bandhigan.
                   Mr Iikar ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka jiraan Tartamo Isboorti, kuwo dhaqan, waxaana uu xusay in Bandhiga buugaagtan uu yahay mid soo celinaya dhaqankii dalka ee baaba’ay mudadii bur burka aheyd.
                          Bandhigan ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugaag kala duwan oo qaarkood ka hadlaya taariikhda Soomaaliya, waxaana buugaagta qaar ka muuqday kuwo ay qoreen siyaasiyiinta, sidoo kale waxaa ka mid ahaa buugaag ka hadlayay maaweelada, suugaanta, jaceylka iyo kuwo ku qoran afka English-ka
                    Waa markii u horeysay oo Bandhig Buugaag oo noocaan ah lagu qabto magaalada Muqdisho oo sanadihii u dambeeyay ka soo kabaneysa bur bur iyo colaad daashaday labaatankii sano ee la soo dhaafay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip