q/3aad ANIGA IYO GODKA JILICOOW (Xaqa haduu qaraar yahay soow qotomi maaha?!)

0
Thursday June 30, 2016 - 22:06:30 in Maqaallo by
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    q/3aad ANIGA IYO GODKA JILICOOW (Xaqa haduu qaraar yahay soow qotomi maaha?!)

    (Qeeybtii 3aad) Dhinac kasta oo aan wax ka eegey waxaa i horyaalay in soomaliya maanta u baahan tahay gacan dib loogu soo kiciyo qaranimadeedii si aay cagaheeda ugu istaagto,waxaan ahaa qof kaliya oo jecel wadankiisa isla markaana u fakaraya sidii u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Qeeybtii 3aad) Dhinac kasta oo aan wax ka eegey waxaa i horyaalay in soomaliya maanta u baahan tahay gacan dib loogu soo kiciyo qaranimadeedii si aay cagaheeda ugu istaagto,waxaan ahaa qof kaliya oo jecel wadankiisa isla markaana u fakaraya sidii ummad,
 waxaa hore iyo gadaal iga socdey casharkii la ii dhigay ee amaanka ku saabsanaa ee la i siiyay markii aan ka dagey garoonka caalamiga ah ee Aden Cade, kaas oo ahaa "marka hore ka feker naftaada markaas ayaad wax qaban kartaa”,Intii aan dhaq dhaqaaqayay ee aan dhex socdey magalada Mogdisho Waxaa dhacey qaraxyo iyo dagaal foolka fool ah oo dad soomali ah aay wax ku noqdeen,dadkuna wxaa aay ahayeen kuwa qabatimay qaraxyada, meesha subaxii qaraxu ka dhaco galabtii waa la furayay,waxaad moodaa dadku ineey ku naxdin goyeen, sideey maalin walba u dultaagnaayeen meydadka iyo qaraxyada,mararka qaar marka aad la sheekeeysato ma dareemeeysid in aay cafimaad qabaan maxaa yeelay waxaa ka muuqda argagax abuurey abyan iyo dheygag.

Waxaan dhex degenahay xarunta cilmi barista iyo wada tashiga ee CRD oo ku taal dhabarka dambe ee km4 agagarka gayrishkii Xaaji Dool.ruux kasta oo Soomali ah waxaa ku jira cabsi iyo walwal,maalintii magaladu waa camiran tahay habeenkii sidi xoolihii ayaa talefanka la isku weydiiyaa "war ma soo wada xarooteen? ilaahey waxii maantay dhacey ma dinka nabad galiya” waa hubanti biyo kama dhibcaan ah in qof kastaa naftiisa jecel yahay,laakiin marxalada lagu jirey waxaa aay aheeyd dhibaato iyo jahawareer.

Madaxweynaha talada hayaa oo ahaa Sh Shariif Sh Ahmed waxuu ahaa  nin siyaasada ku cusub oo si degdeg badan ku soo galay masraxa siyaasada,waxuuna ahaa wadaad ka soo jeedaa qoys culumo ah oo caan ku ah  fidinta diinta islaamka, waxaa ka muuqday aqlaaq diimeed qudabadihiisu xanaf ma laha ,mana ahayn nin da,a weeyn.

Waxuu lahaa calamadaha hogaaminta marka laga reebo qaadashada go,aanada ,waxaa uu ahaa howl kar madaale ah dadkana aad u dhageeysta, dadku xumaan badan uma hayaan hogaamintiisa marka laga reebo inuu shaqada dowaldnimada ka bilabay Madaxweyne iyo in siyaadiisa aay wiiqinayaan koox saaxibadiisa ah oo la yiraahdo Al sheikh oo ahaa dhalinyaro is aruursatey oo afkaar diimeed ku midoobay dhamaantoodna uu Sheikh u ahaa ilaahey ha u naxariisto Sh Maxamed Macalin oo ka mid aha culimada Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaas mar aan wadaagnay doodo gaar ah waxaa ka muuqanayay qaar ka mid in aay ka shaqeeynayeen kala soocida bulshada oo waxeey si gaar ah ula dirirayeen dadka aan wadada aheeyn ee firfircoon, waxaana aay u sameeynayeen barro madmadoow, wadaada laftigooda waxaa aay ku kala soocayeen firqooyin, waxaa aay  abuurayeen kaadir la afkaar ah si mustaqbalka aay raad hogaamineed ugu yeehsaan siyaasada fog ee soomaliya.

Marka laga soo gudbo aragtida taageerayshii dhawaa ee Madaxweyne Sh Shariif kama muuqan afkaarta kooxda taageerta ee Al Sheikh waxaa uu ahaa nin furfuran oo cidii la kulanta aay wadaagi karaan aragti ka duwan kooxdiisa, inkastoo caqabada ugu weyni aay aheeyd in xeyndaabkiisa ama xafiiskiisa aadan dhaafi Karin hadii afkaartaadu lidi ku tahay talooyinka saxibada dhow ee Madaxweynaha waa dhibaatadii ugu badneeyd ee wax looga badali waayey siyasadii qunyar socodka aheeyd ee Madaxweyne Sh Shariif Sh axmed.

Anaga oo madaxa ku haya habraaca siyaasada iyo in Soomaliya aay u baahan tahay in wax laga badalo ayaan si toos ah u bilaabay barnaamijka doodwadag oo hadafkiisu ahaa in dadka soomaliyeed aay talo ku yeeshaan siyaasada wadankooda si loo dhiso bulsho iyo dowlad  aragti mideeysan ka leh dib u soo celinta sharciga iyo kala dambeeynta , dib u dhiska garsoor madax banan, iyo dib u howl galinta kaabayashii dhaqaalaha,sida muuqata dowladii curdunka ahayd ee ku meel gaar ahayd waxaa aay hogaamineeysay dal dagaalo sokeeye aay burburiyeen, waxa aheeyd talo wanaagsan in sedexdaas qodob udubka loogu mudo.

Darasaad cilmibaaris ah oo laga sameeyay marxalada dalku marayay waxaa iftiimineysay, dhibaatooyinka dowlad la,aanta keentey in aay asal u tahay dadka oo aan dowladnimda laga qeeyb galin ama aaney talo ku yeelan hogaamiyaasha bulshada, si loo soo abuuro kalsoonida shacbiga loona dhiso bundadii isku xiri laheeyd shacbiga iya dowlada, dowladnimada lahaanshaheeda dib loogu celiyo dadka ayaa barnaamijka doodwadaag loo sameeyay waana aragtida aan doonaynay in la hirgaliyo si loo gaaro dowlad midnimo qaran oo leh rugniyadkii aasaasiga ah.

Hadafkaas doodwadag xamabaarsanaa laga soo bilaabo Madaxweynihii hore ee Soomaliya Sh Shariif Sh Axmed , R/wasaarihii xiligaas Cabdi Wali Gaas waa soo dhaweeyeen waana balan qaadeen in aay dadka hor yimaadan, sidaas oo kale qeeybaha ururada bulshada oo qoonyahanku uu hormood u ahaa iyagana waa soo dhaweeyeyeen, kooxihii siyaasada ku jirey ee aan ku qanacsaneeyn hanaankii wax u socdeen ayagana waxaa aay ogolaadeen in aay ku dhiiradaan in aay la xisaabtamaan dowlada jirta si aan wax dumin aheeyn oo ku dhisan toosin iyo dhismo dowlad qaran oo leh habka siyaasada fur furan.

Hayadii cilmibaarista iyo wada tashiga ee CRD waxaa aay ogolaatay in aay maalgaliso barnaamijyadaas, waxeeyna hay,adu noqtey lafdhabarkii fudueeynayay abaabulka iyo ka qeeyb galka barnaamijyada taxanaha ahaa ee lagu baadi doonayay umad ka mideeysan siyaasad hufan, dhaqaale horumarsan iyo garsoor madaxbanaan oo baahi weyn loo qabey.

Dabayaqadii 2011 ayeey aheeyd markii ugu horeeysay oo lagu qabto barnaamijka doodwadaag magaalada mogdishu waxaa si toos loogu martiqaadey R/wasaare Cabdi Wali Gaas waxuuna si geesanimo ku jirto ogalaadey in su,aalo laga weydiiyo howlaha xukuumada horyaal isla markaana uu dhageeyso dhaliilaha aragtiyada kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta iyo guud ahaan cid kasta oo wax ku biirineeysa geedi socodka siyaasada Soomaliya.

Abdlala Omer Mudhir oo ahaa soo saarihii barnaamijka doodwadaag ayaana daaha ka qaadey goobtii loogu tala galey inuu barnaamijku ka dhaco oo aheeyd dugsiga tababarka ciidanka Boliiska Soomaliyeed ee Gen Kaahiye.

Maalin arbaco Waxaana laga daarey magalada Mogdisho shucladii ugu horeeysay ee barnaamijka Doodwadaag ,waxaa si toos ah isku soo hor fariistey, R/wasaarihii talada hayay, siyaasiyiinti dalka ku sugnaayd iyo ururadii bulshada rayidka ahaa si looga doodo Soomaliya halkee ayeey u socotaa?,maxaa ka qabsoomay howlihii xukuumda loo idmaday? maxaa qaladaad ah oo jira? iyo Soomaliya sidee looga gudbin karaa ku meel gaar?.dadka ka soo qeeyb galay waxaa ka mid haa Xasan Sheikh Maxamud oo ka mid ahaa ururada bulshada rayidka ah gaar ahaan qeeybta waxbarashada isla  markaana  sameeyay xisbi siyaasadeed oo lagu magcaabo Xisbiga Nabada iyo Horumarka (PDP).

Mudane Xasan Sheekh waxaa uu R/wasaare Cabdi Wali Gaas weydiiyay sedex su,aladood kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwa ku dhisan  waaqicigii jirey. Ka qeeybgalayaashii barnaamijka oo gaarayay 400 oo qof waxa aay u guuxeen sida xoriyada ah oo macnaha leh oo R/wasre Gaas runta loo hordhigay dadkii daawadey barnaamijka markuu telefishinka ka baxayn waxeey mudane Xasan Sheikh u arkeyeen aqoonyahan nadiif ah oo xumihii dhacey marqaati ka ahaa oo xog-ogaal ah oo dareemi karaa sida buktada Soomaliya loo daweeyn karo,waxaa kale oo dadku arkayeen hogaamiye isbadal doon ah,waana halbeegii uu ku helay taageerada……………

Qeybta 1aad


Qeybta 2aad
Qeybta 3aad

La soco qeybta 4aad
Waxaa Qoray: Cawil Daahir Salaad
cawildahir@hotmail.com

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip