Batuula Sheekh Axmed: "Markii hore haweenka ma qabin kalsooni badan, hadana waa nagu sii yaraatay"

0
Monday June 27, 2016 - 17:32:15 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Batuula Sheekh Axmed: "Markii hore haweenka ma qabin kalsooni badan, hadana waa nagu sii yaraatay"

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeeda gabaabsiga marayo ayaa dhowaan xilkii ka qaaday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Caafimaadka kuwaasi oo haween ahaa isla markaana boosaskoodii lagu bedelay rag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeeda gabaabsiga marayo ayaa dhowaan xilkii ka qaaday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Caafimaadka kuwaasi oo haween ahaa isla markaana boosaskoodii lagu bedelay rag.
Guddoomiye K/Xigeenka guddiga u dooda xuquuqda haweenka isla markaana ah Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuula Sheekh Axmed Gaballe oo warbaahinta la hadleysay waxay faahfaahin ka bixisay aragtideeda ku aadan tallaabada xilka looga qaado labadii haween ee ka tirsanaa xukuumadda dhexe ee Federaalka.

"Markii horeba ma aanan qabin kalsooni weyn oo dhinaca qoondada haweenka ku leeyihiin Dowladda, hadana waa nagu sii yaraatayā€¯ ayay tiri Batuula Sheekh Axmed Gaballe oo sheegtay inay calaameeyeen qabiilooyinka aan marnaba ogoleyn inay booskooda matasho Dowladda kuwaasi, kuwa ogol in haween u matalaan iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu ayaa bilowday tan iyo markii la galay shirarka madasha qaranka isla markaana muddo badan aan u harin, isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh ka tallaabsaday Baarlamaanka kaddib markii uu beesha caalamka u gudbiyay heshiiska shirka madasha qaranka, waxaana soo baxayay dhaliilo badan oo dhinaca hoggaamiyeyaasha shirkaasi ay u marayaan doorashooyinka dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip