Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium

0
Monday June 27, 2016 - 17:27:45 in Wararka by
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium

    Muqdisho, 27 June 2016 (Villa Somalia) -----Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium wakiilka uga noqon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 27 June 2016 (Villa Somalia) -----Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Roxane de Bilderling.

Madaxweynaha ayaa Danjiraha u ballanqaaday in si buuxda ay Dowladda Soomaaliya ula shaqeyn doonto, uuna ku faraxsan yahay doorka Belgium-ka ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire de Bilderling ayaa sheegtay in dalkeeda oo xubin ka ah Midowga Yurub uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Belgium waxay ballanqaadday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan arrimo badan sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

--------------------DHAMMAAD-------------

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A5011
IB0A5029
IB0A5051
IB0A5069
IB0A5058
IB0A5096
IB0A5097
IB0A5098

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip