Kenya: Siyaasiga Musalia Mudavadi oo Ku Baaqay in Ciidamada Kenya Laga Soo Saaro Soomaaliya

0
Monday June 27, 2016 - 12:10:07 in Wararka by
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya: Siyaasiga Musalia Mudavadi oo Ku Baaqay in Ciidamada Kenya Laga Soo Saaro Soomaaliya

    Hoggaamiyaha isbahaysiga Amani National Congress ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi ayaa dawlada Kenya ugu baaqay in ciidamada Kenya ee KDF ay kasoo saarto dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha isbahaysiga Amani National Congress ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi ayaa dawlada Kenya ugu baaqay in ciidamada Kenya ee KDF ay kasoo saarto dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in hadal haynta celinta qaxootiga Dhadhaab uu go'aaminaayo in Soomaaliya ay xasilloontay iminka isla markaana ay tahay in haatan ay arintaa ku xigto soo celinta ciidamada Kenya ee Soomaaliya jira.

"Dawladu waa inay u sharraxdo Kenyanka sababta aan ciidamadeena ugu sii heyneyno halkaa hadii dalkaasi uu badbaado leeyahay oo qaxootigaa ay ku laaban karayaan,” Mudavadi ayaa sidaa yiri.

"Hadii qaxootigu ay xaalada Soomaaliya ka jirta iminka ku badbaaadi karaan, waa maxay waxa askarteenu ay Soomaaliya ka qaban doonaan?”Intaa ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in Kenya ciidamadeedu aysan u galin Soomaaliya inay cid arinkaa ku farax galiso balse ay ciidamadeedu u galeen in wadanka Kenya laga badbaadsho gardarro dibada uga timaada.

Ciidamada Kenya ayaa galay Soomaaliya 2011 kadib markii Kenya ay sheegtay in Al-shabaab dabley ka tirsan oo fariisimo ku leh Soomaaliya ay inta Kenya soo galaan dalxiiseyaal ka af duubtaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip