Ra'iisul Wasaare Cumar "Wasiir Burci Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya".

0
Monday June 27, 2016 - 12:02:10 in Wararka by
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Cumar "Wasiir Burci Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya".

    Raiisul Wasaaraha X.F Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiiru-dawlihii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka (Bii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raiisul Wasaaraha X.F Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiiru-dawlihii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka (Bii'ada) Xildhibaan Burci Maxamed Xamsa. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wasiirku dhintay isaga oo u halgamaya dib-u soo kashada Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlaya ayaa yiri:

"Waxaa dishay gacan ka xaqdaran oo dambiile ah, qolada Alshabab ee maanta ku faaneysa inay dad isku qarxiyaan waxaan u sheegayaa shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed in ay ka guuleysan doonaan. Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya, Ilaahay waxaan uga baryayaa marxuumkii howlaha muhiimka ah qaranka u hayay inuu janaddiisa ka waraabiyo ,shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna ka siiyo samir iyo Iimaan”.

"Walaalkeen Burci Maxamed Xamsa Allaha u naxariisto, wuxuu ahaa intaan ka aqaaney nin aad u qiima badan oo howlaha qaranku leeyahay isla soo wadnay sanooyinkii u danbeeyey,”.ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaare Cumar.

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Soomaaliyeed isaga oo la soo shaqeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka sanadihii danbe oo uu ilaa wakhtigan ahaa Wasiiru-dawlaha Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

----DHAMMAAD---




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip