Shabaab oo Odayaal & ganacsato kala baxay guryahooda oo ku yaala Deegaanka Goofgaduud

0
Monday June 27, 2016 - 11:31:21 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo Odayaal & ganacsato kala baxay guryahooda oo ku yaala Deegaanka Goofgaduud

    Ururka Al Shabaab oo Axadii shalay dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo, ayaa waxay xalay guryahoodu kala baxeen ugu yaraan toddobo nin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab oo Axadii shalay dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo, ayaa waxay xalay guryahoodu kala baxeen ugu yaraan toddobo nin.

Raggan, ayaa waxay isugu jiraan Nabadoono iyo ganacsato si wayn looga garanaayay Deegaankaasi, mana cadda sababta ay dadkaasi ugala baxeen guryahooda.

Ilo wareedyo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in laba ka mid ah dadka la qafaashay oo Odayaal Dhaqameedyo ahaa, lagu kala magacaabo Malaaq Xaaji C/laahi Duurow iyo Nabadoon Aadan Yarow.

Ururka Al Shabaab kama hadlin tallaabada uu dadkaasi ku hujuumay, waxayse dadka reer Goofgaduud walaac xoog lihi ka muujinayan inay dhibaato u gaystaan dadkaasi.

Shabaab, ayaa Axadii si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamada Huwanta oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa soo galay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dadka reer Goofgaduud, ayaa waxay kuu sheegayan in Shabaabku ay la wareegen saldhigii Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo fariisimihii Ciidanka Militariga Somaliya.

Shabaabku waxay kaloo la wareegen Xaruntii Maamulka Deegaanka, waana markii ugu horeysay oo halkaasi ay dib ugu soo laabtaan muddo saddex sano ka badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip