Soomaali TAGSIILE ka ahaa Mareykanka oo lagu Dhaawacay Magaalada LOUISVILLE, Kentucky

0
Monday June 27, 2016 - 11:25:49 in Wararka by
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali TAGSIILE ka ahaa Mareykanka oo lagu Dhaawacay Magaalada LOUISVILLE, Kentucky

    Maagaalada LOUISVILLE, Kentucky ayaa waxaa lagu dhaawacay nin tagsiile ah oo Soomaali ah. Ninkaa oo wadi jiray tagaasiida loo yaqaano Yellow Cab ayaa waxaa lagu dhuftay xabad isla markaana noqday baaralays.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maagaalada LOUISVILLE, Kentucky ayaa waxaa lagu dhaawacay nin tagsiile ah oo Soomaali ah. Ninkaa oo wadi jiray tagaasiida loo yaqaano Yellow Cab ayaa waxaa lagu dhuftay xabad isla markaana noqday baaralays.
Markii la dhaawacayaay ninkaa ayaa wuxuu ku sugnaa xaafada Parkland ee magaaladaasi Louisville gaar ahaan wadada Hale Avenue.

Arintaa ayaa waxay dhacday subaxnimadii Khamiistii. Ilaa iyo hada waxaa wararku sheegayaan in dad loo soo xiray fal dambiyeedkaa aysan jirin.

Jaaliyada Soomaalida ah ee magaaladaa ayaa sheegtay in ninkaa dhaawaca loo geystay oo lagu magacaabo C/Raxmaan Geele Maxamed uu Mareykanka joogay laga soo bilaabo 2007.

Axadii shalay gaar ahaan galinkii dambe ayaa xubnaha Jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasi ay arinkaa ka shiraayeen.

Haatan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in maamulka shirkada tagaasida ee Yellow Cab inuu ku bixinaayo abaal marin ah $10,000 wixii xog ah oo horseedi karta in lasoo xiro dadkii falkaa gurracan ka dambeeyay.

Abaal marintaa ayaa lasiin doonaa cidii soo sheegta xogtaa.

Maamulka shirkadaa tagaasiida ayaa soo saaray war murtiyeed lagu xusay in shirkadaasi ammaanka iyo bedqabka darawaladeeda ay yihiin muqadas.

Waxay intaasi ku dartay in ay qasab tahay in darawaladeedu ay dareemaan badbaado markii ay dhex marayaan magaaladaas sidaa daraadeedna ay tahay in rabshada la joojiyo.

Darawalada Yellow Cab ayaa saacad walba shaqeeya si ay dadka magaaladaa ugu adeegaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip