Raggii weeraray Naasahablood Hotel oo la baaraayo halka laga soo abaabulay (Daawo Sawirada)

0
Monday June 27, 2016 - 11:04:59 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raggii weeraray Naasahablood Hotel oo la baaraayo halka laga soo abaabulay (Daawo Sawirada)

    Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaa waxay bilaabeen baaritaano ku aadan halka laga soo abaabulay mintidiintii Ururka Al Shabaab, ee Sabtidii weerartay Hotelka Naasahablood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaa waxay bilaabeen baaritaano ku aadan halka laga soo abaabulay mintidiintii Ururka Al Shabaab, ee Sabtidii weerartay Hotelka Naasahablood.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in weerarkan ay soo qaadeen shan nin, oo laba ay la socotay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo saddex nin oo gudaha u gashay Hotelka Naasahablood.

Wasiirka, ayaa sheegay in mid ka mid ah gaadiidkaasi lagu qarxiyay afaafka hore ee Naasahablood Hotel, halka midka kale oo NOAH ahaa uu ninkii la socday uu isu qarxiyay ciidanka ammaanka oo ku sugnaa xeendaabka Hotelkaasi, ka dib markii ay joojiyen gaarigaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa sheegay in la baarayo halka laga soo abaabulay weerarka lagu galay Hotelkan, oo ku yaala Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga, ayaa Ciidamada Dowladda ku ammaanay in waqti kooban ay ku soo afjareen dableydii weerarka soo qaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ciidamada Qaranka ku ammaanay jawaabta deg degga ah ee ay ka bixiyen weerarka, ay Shabaabku ku beegsadeen Dhismaha Naasahablood Hotel.

Naasahablood Hotel One oo kaabiga ku haaya Wadada Maka Al Mukarama, ayaa weerarka lagu qaaday waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli 24 cisho ka hor ay Shabaabku weerareen Hotelka Ambassador oo ku yaala wadadaasi.

WeerarWeerar1Weerar2Weerar3Weerar4Weerar5Weerar6Weerar7Weerar8Weerar9

xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip