Muxuu ahaa Burci Maxamed Xamza

0
Monday June 27, 2016 - 10:34:42 in Wararka by
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ahaa Burci Maxamed Xamza

    Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay geerida Burci Maxamed Xamse oo ahaa wasiiru dowlihii xafiiska R/wasaaraha ee Arimaha Bay'adda kaas oo geeriyooday intii uu socday weerar Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood1 ka dib markii uu ku dumay qol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay geerida Burci Maxamed Xamse oo ahaa wasiiru dowlihii xafiiska R/wasaaraha ee Arimaha Bay'adda kaas oo geeriyooday intii uu socday weerar Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood1 ka dib markii uu ku dumay qol uu ka daganaa Hotelka.

Burci Maxamed Xamsa wuxuu ahaa aqoonyahan aqoon gaar ah u leh arimaha deegaanka iyo bay’ada, wuxuuna waxbarashadiisa ku qaatay dalka gudihiisa, Masar, Kuweyt iyo Maraykanka.

Wuxuu aqoonta ka gaaray darajada PHD, sidoo kale wuxuu ahaa nin luuqado badan ku hadla, sida ay noo sheegeen dadka ay isgaranayeen marxuumka Allaha u naxariistee.

Wuxuu ka soo mid noqday Barayaashii Jaamacada Umada Soomaaliyeed qaybteedii Lafoole, oo uu mudo dheer ka shaqaynayay.

Sidoo kale wuxuu mudo ku dhow 17-sano la shaqaynayay Ururka Jaamacada Carabta, asaga oo kala shaqaynayay dhinacyada waxbarashada Deegaanka iyo bay’adda.

Allaha u naxariistee wasiir Burci Maxamed Xamse wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee ka shaqeeyay Dastuurka KMG ah ee haatan jira.

Wuxuu mudo ku jiray baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale soo noqday, Wasiirka deegaanka iyo Ilaalinta Bay’dda, Wasiiru dowlaha wasaarada Arimaha Dibada iyo hada oo uu ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska R/wasaaraha ee Arimaha Bay’dda.

Shaqsi ahaan wuxuu ahaa nin afgaaban oo aanan hadal badnayn, wuxuu ahaa howlkar aqoon durursan u leh shaqoonyinka uu qabanayay sida ay inoo sheegeen dadka mudada dheer la soo shaqeeyay.

DSC04474




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip