Daawo Sawirada: Askartii dagaalka adag la gashay Shabaabkii weeraray Hotelka Naasahablood

0
Sunday June 26, 2016 - 14:34:47 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Askartii dagaalka adag la gashay Shabaabkii weeraray Hotelka Naasahablood

    Qaar ka tirsan Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Dowladda Somaliya, ayaa Sabtidii isu kaashaday in ay soo afjaraan dalkii maleeshida Ururka Al Shabaab, ee weerartay Hotelka Naasahablood One, oo ku yaala Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka tirsan Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Dowladda Somaliya, ayaa Sabtidii isu kaashaday in ay soo afjaraan dalkii maleeshida Ururka Al Shabaab, ee weerartay Hotelka Naasahablood One, oo ku yaala Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Askartan, ayaa tan iyo gelinkii dambe ee shalay qabsaday shaashadaha caalamka, ka dib markii Wariye-yaasha ay soo tebiyeen jawaabtii quruxda badneyd, ee ay weerarkaasi ka bixiyeen.

Waxaa indhahaaga soo jiidanaya sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka ugu dhiiradeen in ay kaga hortaggan dableydii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa waxaa uu Ciidamada Dowladda uu ku ammaanay in waqti kooban ay ku soo afjareen dableydii weerarka soo qaaday.

Wasiirka, ayaa sheegay in dagaal-yahanada Al Shabaab loo diiday fursad ay isugu abaabulan gudaha Hotelka Naasahablood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ciidamada Qaranka ku ammaanay jawaabta deg degga ah ee ay ka bixiyen weerarka, ay Shabaabku ku beegsadeen Dhismaha Naasahablood Hotel.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa uu ku celiyay in Ciidamada Qalabka Sida ay sii wadi doonaan dagaalk ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.

"Waxaa weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah ee ku habsadey. Waxaa nasiib wanaag ah in shacabka, dowladda iyo ciidammada amniga ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro cadowga. Waxaana weeraradan waxashnimo ee argagixisada ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu cabsi geliyo shacabka si aanay u taageerin dowladnimada iyo nabadda.” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha Somaliya.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan. Idaacadda Andalus oo ku hadasha afkooda ayaa laga sii daayay war ay ku sheeganayeen masuuliyadda weerarka.

 

WeerarWeerar1Weerar2

A Somali government soldier holds his position during gunfire after a suicide bomb attack outside Nasahablood hotel in Somalia's capital Mogadishu, June 25, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Weerar4

A Somali government soldier takes position during gunfire after a suicide bomb attack outside Nasahablood hotel in Somalia's capital Mogadishu, June 25, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Weerar6Weerar7

A Somali government soldier runs to take position during gunfire after a suicide bomb attack outside Nasahablood hotel in Somalia's capital Mogadishu, June 25, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Weerar9Weerar92Weerar93

Somali government soldiers run to take their positions during gunfire after a suicide bomb attack outside Nasahablood hotel in Somalia's capital Mogadishu, June 25, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Weerar97Weerar98

A Somali soldier takes position during attack on Nasahablod Hotel, Mogadishu,Somalia, Saturday, a June 25, 2016 . A Somali police officer says a suicide car bomber detonated an explosives-laden vehicle at the gate of a hotel in Mogadishu followed by gunmen who were fighting their way into the hotel..(AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

Weerar991Weerar992

XIGASHO:-DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip