Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay dagaal Shabaab iyo ciidanka Koonfur Galbeed ku dhexmaray G/Baay

0
Sunday June 26, 2016 - 12:14:03 in Wararka by
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay dagaal Shabaab iyo ciidanka Koonfur Galbeed ku dhexmaray G/Baay

    Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed iyo ciidamada Shabaab kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Buur hakabo ee Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed iyo ciidamada Shabaab kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Buur hakabo ee Gobolka Baay.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen ciidamada Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Buur Eyle oo qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Buur hakabo.

Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Shabaabka ayaa isku fara saaray halkaasi, waxaana dagaalkaasi ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Guddoomiyaha Degmada Buur hakaboMaxamed Nuur Cabdi, ayaa u sheegay Warbaahinta in saddex ka mid ah ciidamada Shabaabka ay ku dileen dagaalkaasi.

Wuxuu sheegay dhinacooda labo Askari inay kaga dhinteen dagaalka oo ahaa mid xoogan sida uu yiri.

Intii uu dagaalka socday ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo gurmad ahaan uga baxay Degmada Buurhakabo waxa ay meel dhexe kula kulmeen weerar kaga yimid dagaalyahano Shabaabka ka tirsan.

Dagaalkaan oo dhacay shalay casir liiqii, ayaa goobtii lagu dagaalamay weli waxaa ku sugan ciidamada Ururka Al Shabaab, iyadoo xaalada ay tahay mid caadi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip