Hawlgal laga sameeyay Degmada Yaaqshiid oo lagu soo qabtay hub iyo rasaas (SAWIRRO)

0
Saturday June 25, 2016 - 12:34:31 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawlgal laga sameeyay Degmada Yaaqshiid oo lagu soo qabtay hub iyo rasaas (SAWIRRO)

    Ciidanka Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa hawlgal ay ka sameeyen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxay xalay ku soo qabteen hub iyo rasaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa hawlgal ay ka sameeyen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxay xalay ku soo qabteen hub iyo rasaas.

Ciidanka Nabad Suggida, ayaa gudaha u galay guri ku yaala xaafadda Tookiyo ee Degmada Yaaqshiid, oo ah halka hubka laga soo qabtay, waxaana sidoo kale u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan nin la sheegay inuu ka masuul ahaa gurigaasi.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu sheegay in dadka deegaanka ay Ciidanka Nabad Suggida ka caawiyen soo qabashada hubkan iyo rasaastaba.

Afhayeenka, ayaa waxaa uu tilmaamay in hubkan ay kooxaha argagaxisada u adeegsan jireen falalka ay ku qalqalgelinayan amniga Caasimadda Somaliya, sida uu yiri.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay billashada bishan Ramadan ay laamaha ammaanku dejiyen qorshe gaar ah, oo lagu xoojinayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

C/kaamil Macalin Shukri, ayaa ku waramaya in qorshahan uu ku socdo sidii loogu talla-galay, waana midda keentay tallaabada lagu soo qabtay hubkan sida uu yiri, sidoo kalana lagu fashiliyay gaari lagu diyaarinaayay walxaha qarxa, oo isla xalay laga soo qabtay xaafadda General Daa’uud ee Degmada Yaaqshid.

C/kaamil waxaa uu laamaha ammaanku ku ammaanay sida ay ugu taagan yihiin xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta ay maleygayan nabadiidka.

Hub & rasaasHub & rasaas1Hub & rasaas2Hub & rasaas3Hub & rasaas4Hub & rasaas5Hub & rasaas6Hub & rasaas7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip