Yaabka Aduunka: NIN KUWEYTI AH OO HAL MAR AFAR GUURSADEY (DAAWO)

0
Friday June 24, 2016 - 20:33:55 in Wararka by
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaabka Aduunka: NIN KUWEYTI AH OO HAL MAR AFAR GUURSADEY (DAAWO)

    Waxaa mar qura qabsaday baraha bulshada ku xiriirto ee Carabta warka ku saabsan in nin u dhashay dalka Kuweyt uu mar kaliya guursaday afar haween ah oo weliba uu la wada aqal galay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa mar qura qabsaday baraha bulshada ku xiriirto ee Carabta warka ku saabsan in nin u dhashay dalka Kuweyt uu mar kaliya guursaday afar haween ah oo weliba uu la wada aqal galay.

Arrintan ayaa ahayd warka ugu weyn ee Carabtu hadal heystay toddobaadkan oo dhan. Ninkan waxaa lagu magacaabaa Amiin waxaana la sheegay in qisadan oo dhami timid markii uu booqday xarun lagu diyaariyo lebiska Aroosyada.

Amiin iyo xaakiisa oo ah dhaqtarad lagu magacaabo Khaluud ayaa booqday xaflad caruus loogu magac daray oo lagu soo bandhigo dharka loo xiro haweenka arooska ah, waxayna isaga iyo xaaskiisa ay sawirro la galeen saddex gabdhood oo dharka arooska ee ay xayeysiinta u sameynayeen xirnaa si ay u xayeysiiyaan.


Warkan waxaa faafisay jariirada ALRA’YI ee caanka ka ah dalka Kuweyt , iyadoo weliba sii raacisay in lacag gaareysa 400,000 Dirham oo lacagta Kuweyt ah oo afar boqol kamida ay tahay meher, boqolka soo hartayna kharashkii bisha malabka.Kuweyti

Video laga duubay xaladaasi ayaa si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada iyo internetka, waxaana dhacday in si weyn loo wadaago loona warbixiyo, waxayna sheekadii noqotay mid weyn oo dundia carabta oo dhami qabsatay.

Sheekada Amiin laga sameeyay ayaa gaartay in lagu sifeeyo inuu afar haween ah u guursaday ciil uu ka qaaday xaaskiisii hore ee ay kala tageen oo ku ceebeysay inuusan naag kale guursan karin.

Arrintan oo dhami waxay ka dhalatay xayeysiis la bedelay, ninka sheekadan laga sameeyayna waa kan ka muuqda Video-ga hoose, xaaskiina waa tan marka koowaad lasoo muuqata.

DAAWO VIDEO

XIGASHO:-DULQAADKA.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip