Faransa iyo Britain oo muwaadiniintooda uga digay u safarka Dalka Kenya

0
Friday June 24, 2016 - 17:21:27 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransa iyo Britain oo muwaadiniintooda uga digay u safarka Dalka Kenya

    Dowladdaha Britain iyo Faransa ayaa si isku mid ah uga digay muwaadiniintooda u safarka qeybo ka mid ah Dalka Kenya, waxaana ay sheegeen in arintaasi aysan aheyn mid siyaasadeysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladdaha Britain iyo Faransa ayaa si isku mid ah uga digay muwaadiniintooda u safarka qeybo ka mid ah Dalka Kenya, waxaana ay sheegeen in arintaasi aysan aheyn mid siyaasadeysan.

Safiirka Dowladda Faransa u fadhiya Magaalada Nairobi, Rémi Maréchaux ayaa sheegay in Muwadiintooda laga mamnuucay tagida qeybo ka mid ah Dalkaasi maadaama halkaasi ay ka dhacaan Weeraro ay geystaan Xarakada Al Shabaab.

Wakiilka sare ee DalkaBritain u qaabilsan arimaha Kenya, Nic Hailey ayaa ugu digay Muwaadintooda in ay u safraan Degaanada ku dhow Xadka kala qeybiya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Digniintan ka soo yeertay Dowladdaha Britain iyo Faransa ayaa timid kadib markii dhawaan qiimeyn lagu sameeyay Xaalada amaan ee Dalka Kenya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta u hadlay labadaasi Dowladood.

Sikastaba, Weeraro gaadmo ahaa iyo Qaraxyo khasaaro geystay ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxey siyaabo kala duwan uga dhacayeen Degaano iyo Degmooyin ka dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip