PHILIPPE LERUTH OO LOO DOORTAY MADAXWEYNHA CUSUB EE IFJ. Hogaanka Cusub ee NUSOJ oo soo Dhaweeyey.

0
Sunday June 12, 2016 - 20:04:21 in Wararka by
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PHILIPPE LERUTH OO LOO DOORTAY MADAXWEYNHA CUSUB EE IFJ. Hogaanka Cusub ee NUSOJ oo soo Dhaweeyey.

    Wafuud ka kala socota Isutaga SuxfiyiintaAdduunka International Federation of Journalsits (IFJ) oo ku shirsanaamagaalada Angers ee Faransiiska ayaa shir weynoodii 29aad waxay ku doorteen Ruug Cadaaga Weriyaha lagu magacaabo Philippe Leruth, oo ka tir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafuud ka kala socota Isutaga SuxfiyiintaAdduunka International Federation of Journalsits (IFJ) oo ku shirsanaamagaalada Angers ee Faransiiska ayaa shir weynoodii 29aad waxay ku doorteen Ruug Cadaaga Weriyaha lagu magacaabo Philippe Leruth, oo ka tirsanaa Ururka Suxufiyiintadalka Belgium oo magaciisa loo soo gaabiyo (AGJPB)

Mr. Leruth waxaa uuka tirsanaa WargeyskaMaalinlaha ah eeL’Avenir, Philippe Leruth waxa uu ahaa intii aan xilkani loo dooran Gudoomiye ku xigeenka Ururka ay ku midaysan yihiin SaxafiyiintaYurub oo magaciisa loo soo gaabiyo European Federation of Journalists(EFJ) .Waxa uu ka guulaystey Saxafiga caanka ah Jim Boumelha oo u dhashay dalka Britain oo IFJ hogaaminayeyintii u dhaxeysay sanadidii2007-2016.

"Shaqadayda ugu horeysa waa inaan soo celiyaa Midnimadii IFJ”sidaasi waxaa yiri Madaxweynha cusub ee la doortay Philipe Leruthwaxaana uu intaasi ku daray"Waxaan jecelahay inaan soo celiyo wadajirkii isku xirayay IFJ.Shaqadayda labaad waa dib u xoojinta xaalada Maaliyadeed eeInternational Federation of Journalsits(IFJ)Wafdiyada IFJwaxay kale oo doorteen Younes M’Jahedoo Marooko u dhashayoo ku xigeenka sare ee Madaxweynaha iyo Jim Boumelha oo loo doortay inuu noqdo Lacag haye,

Shir weynaha IFJ waxaa la qaban qaabiyay 7dii bishii June ilaa bishii 10kii June 2016iyadoo lagu qabtay Xarunta Dhexeoo ah magaalo Faransiiska ku taala ee Angers. Waxay awoodi doonaa wafdiyada inay faaqidaan mowduucyo kala duwan oo ay ku jiraan Dhalinyarada Warbaahinta iyo Midowyada Saxafiyiinta’ Ammaanka dunida, isbedeladasaamaynaya shaqada, sharciyada caburinta oo ay meel mariyaan doorka Midowyada Adduunkaee Dagaalka Xornimada Saxaafada.

Doorashadan hogaanka cusub ee IFJ waxaa soo dhoweeyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka SoomaaliyeedNational Union of Somali Journalists (NUSOJ)oo ay hogaamiyaan Maxamed Ibrahim Macalimuu Xoghayaha Guud iyo Maahir Jaaamac Aadan Gudoomiyaha, waxayna balan qaadeen si kastaba iney la shaqayn doonaan iyadooHogaanka cusub ee IFJ ay ku soo beegantayxilli isbedel loo hamuun qabey ka dhacay Soomaaliya 19/05/2016 oo lagu doortay Hogaaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ).Madaxwaynaha Cusub ee IFJPhilippe Leruthayaa mar walba doonayey in isbedel ka dhaco Hogaanka Ururka NUSOJ ee Soomaaliya , wxayna tani ka dhigan tahay iney riyadiisii rumowdey.

W/Q. Cabdinaasir Xersi iidle

E-Mailnaasirxq@gmail.com

Tel 00252615503978





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip