Axmed Madoobe oo cafis u fidiyay maxaabiista ku xiran Xabsiga Kismaayo

0
Tuesday June 07, 2016 - 11:55:57 in Wararka by
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo cafis u fidiyay maxaabiista ku xiran Xabsiga Kismaayo

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cafis u fidiyay Maxaabiista ku xiran xabsiga Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cafis u fidiyay Maxaabiista ku xiran xabsiga Kismaayo.

Axmed Madoobe oo wariyeyaasha la hadlayay ayaa sheegay in fadliga bisha Ramadaan awgeed ay cafis u fidiyeen maxaabiista loo heysto dambiyada yar yar.

"Waxaa rabnaa in idin sheego in fadliga Bisha Ramadaan awgeed in maxaabiista xiran ee dambiyada yar yar galay in la cafiyay oo la sii deynayo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in hey’adaha amniga uu u gudbinayo fariinta ku aadan in laba-laabo howsha maamulkiisa, iyadoo la guda jiro cibaadada.

Maxaabiis loo soo qabtay dambiyo kala duwan ayaa ku xiran xabsiga Kismaayo, waxaana maxaabiista qaar ku jira kuwo lagu eedeynayo inay dilal geysteen, kuwaasoo maxkamad sugayaal ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip