Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weeraray Saldhiga Ciidamada Amisom ee Deegaanka Buufow

0
Tuesday June 07, 2016 - 11:15:03 in Wararka by
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weeraray Saldhiga Ciidamada Amisom ee Deegaanka Buufow

    Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku ekeeyeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Deegaanka Buufow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku ekeeyeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Deegaanka Buufow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Weerarkaan oo Shabaabka ay soo qaadeen, ayaa wararka waxa ay sheegayaan ku dhawaad saacad inuu ka socday Saldhiga Deegaanka Buufow ee ciidamada Amisom, wuxuuna dagaalka ahaa mid xoogan oo dhinacyada rasaas kala duwan isku weydaarsanayeen.

Qof ku sugan Deegaanka Buufow ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada Amisom ay ridayeen Qoryo culus oo si aad ah looga maqlaayay deegaanka iyo Deeganada kale ee ku dhaw.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay in ciidamada Shabaabka dhowr jiho ay ka soo galeen Saldhiga ciidamada Amisom ee Deegaanka Buufow.

Xoogaga Amisom ayaa la soo wariyay meelo ka baxsan goobta dagaalka inay ku garaacayeen Madaafiic xoogan oo dadka Deegaanka argagax xoogan ku abuurtay.

Waxaanan si dhab ah loo ogaan karin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Amisom iyo kuwa Shabaabka, maadaama labada dhinac weli midkood Saxaafadda aysan la hadlin.

Shabaabka waxa ay horay u sheegeen inay kordhinayaan Bisha Ramadaan weerarada ka dhanka ah Saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip