Maqaal:- Talo ku socota dhammaan ragga xaasaska leh

0
Monday June 06, 2016 - 12:56:08 in Maqaallo by
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal:- Talo ku socota dhammaan ragga xaasaska leh

    Maxay naagtaada u qeylisaa marka ay guriga joogto? baartitaan cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay naagtaada u qeylisaa marka ay guriga joogto? baartitaan cilmi
Rag badan ayaa dhibaato ku qaba qaylida badan ee naagahooda sameeyaan marka ay guriga joogaan,taas oo u sababta in ay dhibsadaan joogitaanka guriga,balse ma ogtahay ragow baaritaan la sameeyay dhawaan in lagu ogaaday qaylida dumarka ee guriga in ay sabab u tahay arimahan soo socda midkood,ha wel welin baartitaan sameey waad ogaaneysaa sababta ay naagtaada u qayliso marka ay guriga joogto, sababahana waa kuwan soo socda midkood.

1- waxaa ka batay xaaskaada shaqada ay qasab ku tahay in ay maalin walba guriga ka sameyso.

2- waxay rabtaa in aad u noqotid qof ay ku dayato oo hurmuud u noqda(in ay hesho nin jecel,ilmo edeb leh oo horumarsan,guri nadiif ah,in ay ku guuleysato nolosheeda oo dhan).

3- waxayna kaa heleynin dareen jacayl.

4- waxay u aragtaa in aad yasto mar walba.

5- waxaa laga yaabaa in hormanskeeda uu is badalaayo(caadada,uurka,i.w.m).

6- waxaa suurto gal ah in ay u baahantahay raashin ay aad u jeceshahay in ay cunto ,balse duruuf u diideysa ay jirto in raashinkaas maskaxdeeda ku jira in ay cunto.

7- waa niyad jabsantahay,waxayna dareemoosaa in aadan ku faraxsanayn la joogitaankeeda,oodna ka maarantay.

8- ma weydiiysid xaaladeeda gaarka ah iyo caafimaadkeeda.

9-waxay weysay riyadeedii mustaqbalka iyo shaqadii ay ku fikiri jirtay in ay barato oo ay ku shaqeysato,ka hor guurkeeda.

10- waqti badan ayey guriga fadhiday iyada oo ku mashquulsanayd haynta ilmaha kaligeed.

arimahan waa kuwa sababi kara in naagtu ay ku qayliso ninkeeda,hadaba ragga xaasaska lehow hadda ka dib naagta haddii ay kugu qayliso ha ku dhihin qaylidaada waa siyaado,codkaadana waa kor ,ee ka fiiri arimahan aan soo sheegnay midkood ayaa jira ee isku day sidaad ku xallin lahayd.

By:Mohamed deeq

xigasho;-somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip