QOLKII LAGU XASUUQAY SAAXIIBADAY!!

0
Friday June 03, 2016 - 19:15:36 in Maqaallo by
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QOLKII LAGU XASUUQAY SAAXIIBADAY!!

    Dilalka joogtada ah ee ka dhacaya Soomaaliya waxaa ay xanuun badan ku reebaan qof kasta oo leh damiiq-danqasho, sababtuna waxaa weeye in dilalka noocan oo kale ah ay yihiin wax ka baxsan dhaqan Islaam iyo mid bani'aadanimo intaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilalka joogtada ah ee ka dhacaya Soomaaliya waxaa ay xanuun badan ku reebaan qof kasta oo leh damiiq-danqasho, sababtuna waxaa weeye in dilalka noocan oo kale ah ay yihiin wax ka baxsan dhaqan Islaam iyo mid bani'aadanimo intaba.
Dilkii xasuuqa ahaa ee loo gaystay xildhibaan Guure iyo Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac ayaan wali la murugoonayaa.

Waxaa intaas oo dhan kasii darin in kuwa gaysanaya dilalka ay yihiin Soomaali sheeganaya in ay haystaan diinta Islaamka, Maxaase ka liita in uu ku dilo qof kula dhashay oo Soomaali kula ah.

Dil kasta oo dhaca sida weerarkii Hotel Ambassador waxaa uu saamayn kala duwan ku yeeshaa hooyo, caruur, ehel iyo saixiibo, waxaana suuragal ah in qoysas badan ay nolshoodu hoos u dhacdo isla markaana ay horseedo cuduro ka dhalan kara dhacdooyinka foosha xun ee sida joogtada ah aan ula noolnahay.

Qof kasta oo anigu aan kamid ahay oo soomaali ah waxaa uu ku noolyahay calool-xumo joogta ah, waxaana soo maray sheekooyin xanuun badan laakiin ma’ahan micneheedu in aan ka niyad-jabno sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii dalkeena , loona joojin lahaa gumaadka aan isku hayno.

Waxaan usoo joogay weeraro badan iyo dilal ka dhacay meel aan iga fogayn oo Alle uu iga badbaadiyay, waxaana ku waayay ku waayay dad Asxaab, Qaraabo iyo Mas’uuliyiin aan siyaabo kala duwan ula shaqeeyay intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2015-kii.

Aniga iyo in badan oo ay kamid ahaayeen mudanayaashii la dilay ujeedka aan Soomaaliya u tagnay ma ahayn in uu qof Soomaali ah nagu dilo ama qof soomaaliyeed oo la dilayo aan goobjoog ka ahaano, waxaase ay ahayd in aan dhismaha dalkaasi wax ka gaysto oo jiilasha mustaqbalka iyo caruurteenaba ay helaan nolol.

Allaha u naxariisteen dilkii loo gaystay Xildhibaan Maxamuud Guure iyo Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac oo ahaa labo aqoon yahan oo aan saaxiib ku ahayn London iyo Muqdisho waa mid si gaar ah ii taabanaysa, lana mid ah dilal sidan oo kale loogu gaystay haldoorka Soomaaliyeed ee wax usoo bartay dalkooda hooyo.

In badan oo kamid ah dadka xaqdaradda lagu dilay waxaa ay nolol ku haysteen dalal kale, waxaana ay Soomaaliya u tageen in ay dalkaasi ka samatabixiyaan burburkii dilooday.

Labada xildhibaan ee dhiigooda sida xaq-daradda ah loo daadiyay waxaan wada daganayn Hotel-ka la weeraray ee Ambassador Hotel muddo ka badan 3 sano. Marxuum Cabdulaahi Jaamac iyo Marxuum Guure waxaa ay kamid ahaayeen saaxiibadii aan kulahaa Muqdisho iyo London oo wax badan aan ka bartay.

Markii aan dib u wacay shaqaalaha hoteelka waxaa la ii sheegay labada xildhibaan iyo dhowr qof oo kale oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo shaqaalaha hotelka ay weerarkii ku dhinteen.


Waxaa kaloo la ii sheegay in labada marxuum ee Guure iyo Cabdulaahi Jaamac lagu jabiyay qolkii aan hoteelka ka daganaa sanadaha badan isla markaana lagu dilay qolka gudihiisa.

Qolkaasi waxaa u soo guuray Marxuum Cabdulaahi Jaamac markii aan kasoo tagay Muqdisho bishii June ee sanadkii hore.

Inkastoo waqtigoodu ku ekaa intaasi ayaa hadana run ahaantii aan ka seexan waayay in labadaasi marxuum ee saaxiibada ahaa si arxan darro ah loo dilay iyagoo waliba ahaa wadaniyiin u tagay sidii dib loogu soo celin lahaa karaamadii umadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariisto xildhibaanadaas iyo dhammaan dadka soomaaliyeed ee dhiigoodi sida maalaayacniga ah loo qubay.

Waxaa Qoray: Ridwaan Xaaji C/Weli



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip