60-jir ka qeyb galay Imtixaanaadka Dugsiga sare (Sawirro)

0
Tuesday May 31, 2016 - 11:09:14 in Wararka by
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    60-jir ka qeyb galay Imtixaanaadka Dugsiga sare (Sawirro)

    Axmadey Saney oo ah 60-jir ah ayaa ka mid noqday Ardayda sanadkan u fadhisa Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmadey Saney oo ah 60-jir ah ayaa ka mid noqday Ardayda sanadkan u fadhisa Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ninkan ayaa ka mid ah Arday todobaadkan u fariisatay Imtixaanka Dugsiga Sare ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmadey Saney ayaa hambalyo ka helay dadka Soomaaliyeed oo u rajjeeyay inuu guul ka soo hooyo Imtixaanka, waxaana sawiradiisa la soo geliyay baraha bulshada oo dadka siyaabo kala duwan ugu hadlayeen.

Dadka qaar ayaa muujinayay in aanay waxbarashada ku xirneyn da’, isla markaana aysan ceeb aheyn in qof da’ ah uu waxbarto.

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad qaadeysa Imtixaanaadka Dugsiga Sare, waxaana sanadkan gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya u fariisatay illaa 45 kun oo arday.

 

SankaSaney




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip