Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay gargaarka Turkiga ee Soomaaliya + Sawirro

0
Monday May 30, 2016 - 18:16:54 in Wararka by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay gargaarka Turkiga ee Soomaaliya + Sawirro

    Dowladda Turkiga oo horaantii bishaan shaacisay inay Soomaaliya geyneyso gargaar kala duwan ayaa markabkii siday waxa uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, waxaana halkaasi ka hadlay mas'uuliyiin ka socotay Hay'adda bisha Cas ee Turkiga ay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga oo horaantii bishaan shaacisay inay Soomaaliya geyneyso gargaar kala duwan ayaa markabkii siday waxa uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, waxaana halkaasi ka hadlay mas'uuliyiin ka socotay Hay'adda bisha Cas ee Turkiga ay ka hadleen shixnadaha uu sido markabkaasi.
Munaasabad ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho ayna ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talo galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

Markabka oo shixnado gargaar oo dhan 11,000 MT oo raashin ah ayaa loogu talo galay in degdeg loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka rabaaniga ah.

Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/rashiid Xiddig oo ka hadlay munaasabadda guddoonsiinta deeqdaasi ayaa sheegay in wixii ka dambeeya dejinta raashinkaasi la geynayo gobolada ay ku dhufteen abaaraha.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta bisha Cas ee Turkiga ayaa iyana sheegay in gargaarkan uu ka yimid dowladda iyo shacabka Turkiga oo ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed ee la il daran xaaladaha aadka u liita ee bani’aadaminimo.

gargaar-turkiga-4gargaar-turkiga-5gargaar-turkiga-6gargaar-turkiga-7gargaar-turkiga-8gargaar-turkiga-9gargaar-turkiga-10gargaar-turkiga-11turkish32turkish33




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip