Madaxweynihii hore ee Chad Xuseen Habre oo lagu xukumay xabsi daa'in

0
Monday May 30, 2016 - 18:08:10 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Chad Xuseen Habre oo lagu xukumay xabsi daa'in

    Madaxweynihii hore ee dalka Chad Huseen Habre ayaa maxkamad ku taal dalka Senegal waxa ay ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay ku heshay dambi la xariira ku xadgudubka bani'aadanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee dalka Chad Huseen Habre ayaa maxkamad ku taal dalka Senegal waxa ay ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay ku heshay dambi la xariira ku xadgudubka bani'aadanka.

Xaakimka ayaa sheegay in Habre lagu helay dambiyo la xiriira kufsi,addoonsi iyo amaro uu bixiyay oo lagu diley dad faro badan intii u dhexeysay1982 -1990. Maxkamada Habre oo socotay muddo ku dhow sanad ayaa waxaa soo dhoweeyay qoysaska dad la sheegay inuu ka dambeeyay dhimashooda.

Waa markii ugu horeysay oo maxkamad ku taal dal Afrika ah oo ay taageereyso Midowga Afrika oo ay ku xukunto hogaamiye hore oo Afrikaan ah.

Habre ayaa haysta muddo 15 maalmood ah in uu racfaan ku qaato, waxana intii ay dacwadiisii socotay ku marqaati furay sagaashan ruux. Intii ay socotay dacwada ayaa Habre waxa uu diidanaa sharcinimada maxkamada danbiyadiisa qaadeyso.

Madaxweynihii hore ee Chad ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha loo so ojeediyay ee ah inuu amray dilkaa dad gaaraya 40,000 oo ruux intii u dhexeysay 1982 -1990. Habre ayaa lagu xirey dalka Senegal oo uu magangalyo weydiistay kadib markii inqilaab xukunka loogaga tuuray 2013.

Qoysaska dad lagu diley dalka Chad ayaa u ololeeyay in xukun la soo taago hogaamiyihii hore ee Chad kadib markii la afgambiyay sanadkii 1990.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip