WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 30-KA MAAJO 2016-KA

0
Monday May 30, 2016 - 08:15:05 in Wararka by
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 30-KA MAAJO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO SI RASMI AH U FURAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA HOGGAAMIYEYAASHA QARANKA Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga. Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SI RASMI AH U FURAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA HOGGAAMIYEYAASHA QARANKA Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga. Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrimaha doorashada 2016ka iyo dhaqangelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha kale ee ku xeeran. Waxaa sidoo kale madaxda ay ka doodi doonaan Barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdira shiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare KuXigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowl ad gob oleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii hanaanka doorashada iyo go’a ankii Madaxweynaha uu todobaadkii hore ku meel mariyay hanaanka doorashooyinka, waxaana harsan qodobo qaar oo uu muran ka jiro, kaasoo Madaxda ay ka doodi doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jimcihii sheegay in aysan sax ah eyn in saddex milyan oo ruux oo degan magaalada Muqdisho aysan wax matalaad ku yeelan Aqalka sare, isla markaana laga hadli doono arrintaas iyo Maqaamka Muqdisho.

Dooda ugu badan ee shirka ayaa la filayaa inay hareyso arrinta Gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyadoo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka soo horjeedaan in wax laga bedelo heshiiskii 12-kii bishii April.

AMAANKA MUQDISHO OO ISBEDEL LAGU SAMEYNAYO BISHA RAMADAAN

Waxaa shalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankaas looga hadlayay amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii amniga kor loogu qaadi lahaa inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo Saraakiisha amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Dhanka amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amniga Gacan bir ah lagu qaban doono,waxaana uu Xusay in ciidamada amaanka ay kor u qaadi doonaan sugidda amniga Gobolka Banaadir inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda iyo dadka wax haysta in ay Gargaar u fidiyaan dadka Tabarta yare e aan heysan waxay ku afuraan maadaama la galayo Bisha Ramadaan.

Waxaa maalmo qura ka harsan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoo dadka qaarna ay aaminsan yihiin in marka la gaaro Ramadaanka ay Alshabaab kordhiyaan weerarada.

DANJIRE FRANCISCO MADEIRA OO BOOQDAY XARUNTA LAGU HAAYO DHALINYARADA SHABAABKA

Danjire Francisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Arimaha Somaliya oo ay wehliyaan Safiirka Dalka Burundi ee Somaliya, Taliyaha ciidamada Amisom iyo Saraakiil kale ayaa booqday xarunta lagu xanaaneeyo dhalinyarada ka soo goosta Ururka Al Shabaab.

Markii uu tagay xaruntaasi ayaa wuxuu kormeeray sida ay tahay nolosha dhalinyarada ka soo goosta Ururka Al Shabaab ee Dowladda Somaliya ay gacanta ku hayso.

Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in Ururka Midowga Afrika uu ka qayb qaadanaayo xanaaneynta loo sameeyo caruurtaasi ka soo goosatay Shabaabka ee hada dhaqancelinta ay ku socoto.

Agaasimaha Xarunta Xanaanada Dhalinyarada Shabaabka Malik Cabdala oo warbixin ka siiyay sida ay tahay nolosha caruurtaasi ayaa sheegay inay aad u wanaagsan.

Wuxuu sheegay dhalinyarada Shabaabka ka soo goosata in la wacyigeliyo, sidoo kalena wax la baro oo la tiiraanyo bixiyo, maadaama ay la soo kulmeen tacadi kala duwan intii Shabaabka ay ku jireen.

Agaaismaha Xaruntaasi ayaa sidoo kale sheegay Beesha caalamka iyo Ururka Midowga Afrika dhamaan inay ka sugayaan sidii looga qayb qaadan lahaa xanaaneynta caruurtaasi.

BOQOLLAAL RUUX OO TAHRIIBAYAAL AH OO NAFTOODA KU WAAYAY TODOBAADKII HORE XEEBAHA TALYAANIGA

Tahriibayaal tiro ahaan ku dhaw 700 oo qof oo doonayay in ay galaan Talyaaniga dhowrkii casho ee lasoo dhaafay, ayaa lagu soo Warramayaa in ay ku Geeriyoodeen Badda u dhexeeya Waddanka Talyaaniga iyo Liibiya, sida ay ku warramyso Hay’adda Qoxootiga QM ee UNHCR.

Doomaha ay la socdeen Tahriibayaashan, ayaa ku degay Arbacadii, Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay xXeebaha Koofureed ee Talyaaniga, iyadoo Tahriibayaashan ay saarnaayeen doomo aan Wanaagsanayn.

Sidoo kale, Cimilida oo aan fiicnayn ayaa Kumannaan Tahriibayaal kale ah waxay Doomo kasoo raaceen xeebaha dalka Libya, iyadoo inta badan Tahriibayashan ay Gaareen xeebaha Wad danka Talyaaniga.

Afhayeenadda Hay’adda UNCHR, Carlotta Sami ayaa xustay in la la’yahay boqol qof oo la so cday Doon degtay Arbacadii lasoo dhaafay. Dhanka kalena Tahriibayaal 550 qof gaaraya ayay Doon ay la socdeen la dagtay Khamiistii lasoo dhaafay, doontaasoo kasoo shiraacatay Dekedda Sabra ee Dalka Liibiya.

Dhinaca kale, Doonta Saddexaad ayaa Jimcihii Hore laga soo Badbaadiyay Tahriibayaal gaa raya 135qof, halka la helay maydadka 45qof ookale, waxaana la la’yahay tiro kale oo tahriibayaal ah.

Hawlwadeennada Dhanka Badaha ee Hay’adda MSF, ayaa sheegaya in tirada dhimashada Tahriibayaasha Toddobaadkii hore ay gaarayso 900oo Ruux. Kooxaha badbaadada ayay sheegeen inay soo badbaadiyeen 13,000 oo Tahriibayaal ahaa.

Ugu dambeyn, Kooxaha badbaadada, ayaa waxay ka kala socdaan dalal badan oo Qaaradda Yurub ka tirsan, waxaana walaac laga muujinayaa in tirada Tahriibayaasha ay sii kordhaan Toddoba adyada soo socda.

CALI KHALIIF GALEYR "LAASCAANOOD MAALMAHA SOO SOCDA, GACANTA KHAATUMO AYAY SOO GELI DOONTAA”

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dib u soo ceshan doonaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Cali Khaliif ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo xoog leh, isagoo xusay inay heystaan fursad aanay horay u jirin, isla markaana guushu ay dhowdahay.

"Waxaa ku rajo weynahay in Laascaanood aan maalmaha soo socda aan soo ceshano, Baarlamaanka kalfadhigiisa ku qabsano bisha October haddii alle yiraahdo, hadal aan iska iri ma ahan, dhulka ma xoroobayo hadii aan la uruurin ciidankii loo baahnaa”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Waxaa uu sheegay in Laascaanood ay tahay Caasimada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo ku baaqay in laga qeyb qaato sidii dhulka ka maqan gacanta maamulkiisa.

"Laascaanood dadka xoreystay ayaa maamulo doona, waxaa leenahay dadka kale waa inaa ka qeyb qaadatayaan, hadhow yaanay marti ka noqonina, waa go’aan hada inoo yaalo, waxaa jira fursad aan markii hore heysan, guushu waa dhowdahay”ayuu yiri Madaxweynaha Khaatumo State.

Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya magaalada Laascaanood, halkaasoo sanadkii 2007dii ay kala wareegeen Maamulka Puntland, iyadoo labada maamul uu wali u dhaxeeyo muran la xiriira deegaanada Sool iyo Sanaag, kaasoo labada maamul ay kala sheeganayaan lahaan shihiisa.

Khaatumo State oo aan wali helin aqoonsiga Maamulada federaalka ee dalka, waa maamul ka madax banaan Puntland iyo Somaliland oo labadaba kala sheeganaya dhulka uu maamulkaas hada doonayo inuu dib u xoreeyo.

DOWLADDA JABUUTI OO DEEQ RAASHIN AH U QAYBISAY SHACABKII KU BARAKACAY FATAHAADDA

Kaalmadaan Raashinka ah oo ka koobnayd; Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid, ayaa la Gaarsiiyay Dadkii Dhawaan ku Barakacay Fatahaaddii ku Dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobo lka Hiiraan.

Qaybinta Raashinkaan, Waxaa Goobjoog ka ahaa Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble, Wasiirro ka socday Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Sara akiil Ciidan.

Safiirka Jabuuti, ayaa sheegay inay Deeqdan si gaar ah uga timid marwada madaxweynaha Jabuuti, Khadra Maxamuud Xeyd oo sidda uu hadalka u dhigay markii ay aragtay xaaladda Beledwe yne garatay in dadka barakacay ugu deeqdo rashinkan.

Deegaanka Ceeljaale oo Raashinkan lagu Qaybinayay ayaa waxaa isugu soo baxay shacab kumanaan ah, kuwaasoo qof walba oo ka mid ah uu isku dayayay inuu wax ka helo deeqda raashin ka ah, taasoo meelaha Qaar Sababatay in Dadweynuhu Gacmaha iskula tagaan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti oo ammniga goobta si weyn u sugayay ayaa ku dadaalay inay xakameeyaan dadka oo mar marka qaar u muuqday kuwo doonayay inay bo obaan raashinka, madaama ay kala badnaayeen Dadka iyo Raashinka la bixinayay.

Ugu dambeyn, Deeqdaan Raashinka ah ee Dowladda Jabuuti ay Gaarsiiyay Dadka Baraka cayaasha ah, ayaa la dhihi karaa waa gargaarkii ugu horeeysay xilli ay bishii barakeysneyd ee Ram adaan foodda nagu soo heyso.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO KU BAAQAY IN LA CADDEEYO MAQAAMKA MUQDISHO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay muhiim tahay in la caddeeyo Maqaamka ay siyaasadda dalka ku yeelaneyso Caasim adda Soomaaliya, isagoo baaq u jeediyay Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in muddo la sugayay in la sameeyo maqaamka Caasimadda, balse ay xilligan tahay xilligii uu ku haboonaa, isagoo tilmaamay in dadka ku dhaqan Gobolka Bana adir ay xaq u leeyihiin inay helaan xuquuqdooda.

"Waxaa is leeyahay Maqaamka Caasimadda oo muddo badan la sugayay in la sameeyo, in shalay ay tahay xilligii uu ku haboonaa, Shacabka Gobolka Banaadir xuquuqda ay leeyihiin inay hel aan waa muhiim, wixii shacabkaas ka maqan ayaa tilmaameynaa, waxa naga maqan ayaa rab naa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka digay inay dhacdo Cadaalad darro, isagoo xusay in dhibaatada cadaalad darada ay ku soo laabaneyso shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in wax laga bedeli karo go’aankii horay u gaareen Madaxda ee ku saabsanaa matalaad la’aanta Muqdisho ee Aqalka sare.

"Cadaaladda Soomaaliya iyada ayay dan u tahay, dhibaatada cadaalada darada ka timaada Soomaalida ayay ku soo laabensya, waxaa ka digeynaa in aysan cadaalad darro dhicin, hadii dar aad la yiri 54 ayaa xubno ka noqoneysa Aqalka sare, shalay wax waa laga bedeli karaa, ma ahan Aayad Qur’aan oo aan wax laga bedeli Karin”ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Jimcaale.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in Shirka Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ee shalay uga furmaya Muqdisho inuu ka soo baxo go’aan ka duwan kii hore, waxaana uu tilmaamay inay mar walba uu ku shaqeynayo rabitaanka shacabka, isla markaana codkooda la maqlo.

Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee shalay ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa laga yaabaa inay hareyso dood ku saabsan Maqaamka Muqdisho iyo matalaad la’aanta Aqalka sare, iy adoo go’aanadii horay uga soo baxay Madaxda uu ahaa in Muqdisho aanay heli doonin xuquuqda ay helayaan 18ka gobo lee dalka.

MALAAYIIN QAXOOTI AH OO HALIS UGU JIRA INAY KUNOOLAADAAN WADDOOYINKA

Hayada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaa no UNHCR ayaa sheegtay asbuucii lasoo dhaafay in ay u baahan tahay nus bilyan doolar si ay dadka ku barakacsan daafaha caalamka ay ugu dhisto guryo ku filan.

Maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay ayay sheegtay in malaayiin qaxooti ah ay dham maan daafaha caalamka ku heystaan daruufo adag isla markaana ay halis ugu jiraan inay kunoo laadaan dariiqyada maadama heyadaha gargaarka ee aan dawliga ahayn (NGOs) aysan heyn qarash ku filan oo guryo loogu dhiso dadkaa tabaaleysan.

UNHCR ayaa arintaa walaac ka muujisay isla markaana ugu baaqday masuuliyiinta dhaqalaa ha sida gaarka ah loo leeyahay (the private sector) inay dhibaatadaa wax ka qabashadeeda gacan ka geystaan.

Aydoo bilaabeysay olole loogu magac daray 'Nobody Left Outside', oo la macno ah 'Qofna Waa Inaan Dibada Loogaga Tagin' ayaa UNHCR sheegtay in la'aanta taageero caalami ah oo dhee raad ah darteed malaayiin qof oo kasoo cararaaya dagaalo iyo gabboodfalo ay ku heysato la'aanta guryo ku filan dalalka Lebanon, Mexico iyo Tanzania.

'Hadii aan loo helin meelo ay ka cunaan cunno bed qabta, meelo ay seexdaan oo wanaags an, meelo ay wax ka bartaan oo wanaagsan, meeloo habboon oo ay alaabadooda dhigtaan iyo me elo khusuusiyaadkooda u wacan, cawaaqib xumo ayaa ku habsan kareysa caafimaadkooda iyo daryeelkooda”. Sidaa ayay UNHCR ku sheegtay bayaan ay dhawaan soo saartay.

Colaado sida colaada ka aloosan Suuriya oo 5 sano jirsatay ayaa ayagu sii huriyay qulq ulatooyinka caalamka ayadoo ay haatan daafaha caalamka ku barakacsan yihiin qiyaas ahaan dad dhan 60 milyan kuwaasoo guryahoodii ka soo cararay.

Kudhawaad 20 milyan oo qof ayaa ka gudbay xaduudaha caalamiga ah kuwaasoo dalal shi sheeye iminka qaxooti ku ah.

Ololehaas UNHCRtu bilowday ayaa waxaa ujeedkiisu yahay hadii aan la marin habaabin in diirada lagu saaro sidii looga soo uruurin lahaa qarash masuuliyiinta dhaqalaaha sida gaarka ah loo leeyahay (the private sector) si loogu dhiso guryo ugu yaraan 2 milyan oo qaxooti ah wixii loo gaaro 2018 ama guryaha ay daggan yihiin xaaladooda loogu horumariyo.

Qarashka loo baahan yahay ayaa dhan $728 milyan sanadkaan oo qura, laakiin UNHCR wa xay shaaca ka qaaday inay un iminka heyso $158 milyan oo qura.

"Guryuhu waa asaaska nolosha iyo soo kabashada qaxootiga waana in loo garawsado inay yi hiin xaq baniaadmi oo aan wada xaajood laga gali karin,” sidaa ayaa waxaa bayaankaa ku sheegay madaxa arimaha qaxootiga ee QM, Filippo Grandi.

DOWLADDA SOMALIA OO MASHRUUC SHAQO ABUUR AH SHALAY MUQDISHO KU DAAHFURTAY..

Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Ferkeeti]. ayaa shalay Daahfuraay Barnaamij Tiirdhexaad u ah Tayeynta iyo Fursadaha Hay’adaha Dhaqaalaha [Somali Core Econo mic Institutions and Opportunities Project] ee loosoo gaabiyo (SCORE), Waxaana Mashruucan Maa lgelinaya Bangiga Dunida, isagoo si toos ah ula shaqeynaya Wasaaradaha Ganacsiga, Dekedaha iyo Bangiga Dhexe, kuwaasoo xiriir Wanaagsan la leh Shirkadaha gaarka loo leeyahay (Privet Sec tor).

Furitaanka Mashruucan, ayaa Waxaa ka Qaybgalay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Dekedaha iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, wuxuuna socon doono mudo sadex sano ah, iyadoo ay ku kici doonto lacag dhan 30milyan oo doollar, iyadoo si gaar ah loogu hormarinayaa Shirkadaha Gaarka loo leeyahay, Wuxuuna gacan ka gaysan doonaa sidii loo abuuri lahaa hanaan shaqooyin loo abuuro dhalinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed.

Wasiir Maaliyadda, ayaa xusay in Diiradda lagu Saarayo Mashruucaan Tayeeynta Dhanka Shuruucda iyo kor u qaadida awooda Wasaaradaha xiriika la leh Ganacsatada.

"Waxaa ugu horreeya talaabooyinka Mashruucani qaadi doono in sare loo qaado hay’adaha Xariirka la leh ganacsiga gaarka loo leeyahay sida wasaarada Dekedaha, wasaarada Ganacsiga iyo Bangiga Dhexe sidii loo Horumarin lahaa Shaqooyinka ku aaddan Maamulka iyo Maareynta. Iyadoo lasoo saarayo, lana Dhaqangelinayo Shuruuc Dhiirrigalin karta Maalgashiga. Waxaa kaloo qayb ka ah mashruuca in la taageero Shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo awood u yeelan doona in ay shaqooyin u abuuran shacabka Soomaaliyeed,”ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray yiri. "Mashruucaan, Waxaa laga Hirgelin doonaa dhamaan dalka, waxaana lagu billaabayaa Puntland iyo Muqdisho, Waxaana hormuud u ah fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda Somalia oo Gacan ka helaysa Bangiga Aduunka, lacagta mashruucaan wa xaa ku deeqay wadamada deeqada bixiya gaar ahaan Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub.”

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa sheegay in ay farxad u tahay Wasaaradda Maaliyadda inay Shalay Muqdisho kaga dhawaaqdo Hirgelinta mashruucaan, Wasaaradduna ay Diyaarisay wax kasta oo suurogalinaya in mashruucaani guulaysto.

KANYA OO LA SHEEGAY IN AY ISKU DAYAYSO IN SOMALIYA SI HOOSE AY UGA WADA HADLAAN MURANKA BADDA

Kenya iyo Somaliya ayaa lagu wada in ay wada fadhiistaan ka hor inta aysan labadaan wa dan kasoo hor muuqan Maxkamada Cadaalada September 9, 2016ka, halkaas oo ay dacwad ku saa bsan xuduud badda ee somaliya iyo Kenya ay taalo taasi oo la sheegay in cidii ku guulaysata labadooda ay faa iido badan ka heli doonto mustaqbalka .

Sida laga soo xigtay Wargeyska Daily Nation ee Kenya kasoo baxa Somaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya in ay kusoo xad gudubtay biyaheeda waxa ay u gudbisay Maxkamadda Caalami ga ee ICJ loo soo gaabiyo magaceeda.

Dacwadaan ayaa Maxkamada ICJ loo gudbiyay bishii August ee sanadii 2014kii xiligaas oo Somaliya ay walaac balaaran ka muujisay xad gudubka dawlada Kenya ay ku sheeganayso qayb ka mid ah biyaha badda ee somaliya.

TALIYAHA BOLIISKA CUSUB EE PUNTLAND OO XILKA LA WAREEGAY

Taliyaha cusub ee sida kumeel gaarka ah logu magacaabay Boliiska Puntland C/qaadir Shire faarax Ereg ayaa xilkii kala waregay Taliyihii hore ee boliiska puntland C/risaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud oo xil ka qadis ku sameyay madaxwaynaha maamulka puntland C/wali Maxamed Cali Gaas. Xaflada xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Taliska boliiska Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxa Ereg xilka kala waregay Taliyihii hore ee cidanka boliiska Puntland C/risaaq Afguduud oo xilkaqaadis lagu sameeyay 15-ka bishan aan ku guda jirno, kadib shaqaaqadi ka dhacday magalada Boosaaso oo sabab u ahayd in xilka laga qaado isaga iyo Taliyihii ciidamada Birmadka Puntland Cismaan Xasan Cuuke Afdalow.

Xaflada xilawareejinta waxaa goob joog ahaa Wasaarada amniga Puntland, saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobolka Nugaal.

Taliyihii boliiska Puntland C/risaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud ayaa Bishii 8aad ee sanadkii 2015 loo magacabay xilka Boliiska Puntland.

CIIDAMADA ITOOBIYA OO XABSIGA U TAXAABAY SARKAAL SARE OO KA TIRSAN CIIDANKA XOOOGA DALKA SOOMAALIYEED

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Ciidamada Ethiopia fariisin ay ku leeyihiin Magaaladaasi ay ku xireen col Maxamed Kaariye Caraale oo ah Taliyaha Guutada 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay taliyaha ka soo kaxeysteen Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kadibna ay ku xireen mid ka mid ah fariisimaha ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Xariga Col Maxamed Kaariye Caraale Taliyaha Guutada 21aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo tuhunn ay Ciidamada Ethiopia ka qabaan in uu ku lug leeyahay dilka Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo sida la sheegay dhawaan soo goostay kaas oo lagu eedeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda in ay ku toogteen Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne oo ku aadan xariga Taliyaha Guutada 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Col Maxamed Kaariye Caraale ayaa ahaa Taliyihii hogaaminayay Ciidamada dowladda markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegayeen degmada Ceelbuur iyo deegaanada Ceel Garas iyo Ceel la helay oo hoostaga degmadaasi.

WASIIR JANGALI "GABA GABO AYUU MARAYAA SOO WAREEJINTA MAAMULKA HAWADA SOOMAALIYA”

Xilli mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya ay dadaalo kala duwan ku bixineysay sidii dalka loo keeni lahaa maamulka hawada oo dowladda Soomaaliya ula wareegi laheyd ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Jaamac Axmed Jangali ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi uu marayo meel gaba gabo ah.

Cali Jaamac Jangali waxa uu sheegay shaqaalaha ka shaqeeya xarunta Nairobi ee laga maamulo Hawada Soomaaliya dhamaantood in ay yihiin kuwo Soomaali ah islamarkaana ay yar yihiin dadka Ajaanibta ah ee halkaasi ka shaqeeya.

Waxa uu sheegay Qalabka laga maamulayo Hawada Soomaaliya qaarkood in laga keenayo dalka Thailand oo dhowan dalka la keenayo.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladda dhexe ee dalka maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa laga maamulayay dalka Kenya.

BOGGA CAYAARAHA

BENZEMA & KROOS OO LALA XIRIIRIYAY KOOXAHA MANCHESTER, LEWANDOWSKI OO KA TAGAYA BAYERN MUNICH IYO WARARKII KALE EE AY QOREEEN WARGEYSYADA INGARIISKA SHALAY OO AXAD AH.

Maalin wanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda shalay oo Axad ah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka mas’uul ah wargeysyada magacooda uu ku hor xusan yahay.

DAILY STAR SUNDAY

Toni Kroos ayaa ah xiddiga khadka dhexe ee diirada u saaran Pep Guardiola ee uu doonayo inuu keeno Manchester City ee ma ahan Paul Pogba.

Xiddigaha Manchester United ayaa si weyn u doonaya in Ryan Giggs uu baaqi ku sii ahaado garoonka Old Trafford.

Mourinho ayaa u sheegay madaxda kooxda Man United inuu doonayo inuu ka dhigto daafaca dhexe ee Everton John Stones oo 22 sanno jir ah saxiixiisa ugu muhiimsan.

Arsene Wenger ayaa ku guuleystay taageerada jamaahiirta Arsenal, iyadoo inta badan taageerayaasha mayalka adag ay doonayaan inay siiyaan sannad kale uu kooxda sii joogo.

Jose Mourinho ayaa u sheegay Manchester United inay lacag qarashgareeyaan islamarkaana ay Old Trafford keenaan afar xiddig oo da’ yar oo uu ku jiro xiddiga Atletico Madrid Saul Niguez oo lagu qiimeeyo 54 milyan ginni. Goolhayaha kooxda Arsenal David Ospina ayaa waxaa dooneysa kooxda Turkiga ee Besiktas.

Robert Lewandowski ayaa ku biiri kara Real Madrid ka dib markii uu ku guuldareystay inuu qandaraaska u kordhiyo Bayern Munich.

the sun on sunday

Louis van Gaal ayaa dareensan in Jose Mourinho uu dhabarka ka toogtay isagoo ka xun sida uu saaxiibkiisii hore uu durbadiiba u bedelay markii la ceyriyay.

Marcus Rashford ayaa ogolaaday heshiis uu sannadkii ku qaadanayo 1.3 milyan ginni si uu u sii joogo Manchester United.

Frank Lampard ayaa ku taageeraya Jose Mourinho inuu Manchester United ka dhigo mar kale koox weyn.

SUNDAY EXPRESS

Crystal Palace ayaa qorsheyneysa inay seddex xiddig la soo wareegto xagaagan oo kala ah Steven Caulker, Ryan Mason iyo Saido Berahino.

PSG ayaa isku dayaysa inay qaado talaabadii ugu danbeysay ee ay weeraryahanka Everton Romelu Lukaku uga hoos xadi lahaayeen Chelsea.

PierreEmerick Aubameyang ayaa ka tagi doona Borussia Dortmund xagaagan sida uu sheegay macalinka xulka qarankiisa iyadoo Real Madrid iyo Manchester United ay dhegta u taagan tahay.

Leicester City ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Liverpool saxiixa weeraryahanka Arsenal Alex OxladeChamberlain.

Yaya Toure ayaa doonaya inuu weydiisto tababaraha Manchester City Pep Guardiola inuu u ogolaado inuu sii joogo kooxda.

SUNDAY MIRROR

Ronald Koeman ayaa ku dhaleeceeyay Manchester United sida ay u ceyriyeen ninka ay cado wga ahaayeen ee Louis van Gaal.

Hull City oo xaqiijisatay booskeeda Premier League xilli ciyaareedka danbe ayaa waxaa la wareegaya shirkad Mareykan ah. Labada xiddig ee reer Holland Daley Blind iyo Memphis Depay ayaa ka warqaba inay raaci karaan Louis van Gaal oo ay ka bixi karaan albaabka Old Trafford.

Ryan Giggs ayaa dareensan in lagu qasbayo inuu ka tago Manchester United isagoo koxoda wadahadalo la leh isbuuca danbe.

Leicester City ayaa ku guuldareysatay dalab 18 milyan ginni ah oo ay ka gudbiyeen xididga khadka dhexe ee Sevilla Steven N’Zonzi.

MAIL ON SUNDAY

Macalinka reer Portugal Mourinho ayaa tartan kala kulmaya Barcelona, kuwaasoo doonaya inay dalab furitaan ah oo gaaraya 25 milyan ginni ka gudbiyaan daafaca kooxda Everton John Ston es.

Macalinka Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu si hubeysan ku soo galo Pre mier League, waxaana diirada u saaran xiddigaha Karim Benzema, Saul Niguez iyo PierreEmerick Aubameyang.

Everton ayaa raadineysa cid uga warbixisa xaalada tababare Manuel Pellegrini ka hor inta aysan go’aansanin haddii uu yahay tababare adag oo dishibiliinka ku soo celin kara Goodison Park.

SUNDAY INDEPENDENT

Diego Simeone ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono booskiisa Atletico Madrid ka dib markii ay guuldaradii labaad ku soo gaartay finalka Champions League seddex xilli ciyaareed gudaheed.

Kabtankii Mayalka Adkaa Ee Man United Ee Roy Keane Oo Sheegay In Isagu Aanu Taageere U Ahayn Mourinho, Muxuuse Ka Yidhi In Shaqada Kooxdiisii Hore Ee United Loo Magacaabay Mourinho?

Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane oo ah nin aan hadalka la gaban ayaa ka hadlay in Jose Mourinho loo magacaabay shaqada kooxdiisii hore ee Red Devils. Roy Keane ayaa cadeeyay in aanu isagu taageere u ahayn Mourinho isla markaan uu yahay mid cadho abuura.

Keane ayaa kooxda Mancehster United kula soo guulasytay koobka Champions Leaquega, todoba koob oo Premier Leaquega ah iyo waliba afar koob oo FA Cupka kadib markii uu 12 sano ku soo qaatay Old Traffrod, Roy Keane oo la hadlay ITV ayaa sheegay in Mourinho uu ahaa tababarihii ugu taariikhda fiicnaa ee suuqa laga heli karayay isla markaana uu leeyahay taariikh guulaysi. Roy Keane carved out a fearsome reputation at Old Trafford

Roy Keane oo ka hadlaya Mourinho ayaa yidhi: "Anigu kama helo Mourinho, xaqiiqadii cadho ayuu abuuraa markii aan aniga oo tababare ah ka hor imid, laakiin kaliya taasi waa mid shaqsi ah. In aad Manchester United ka shaqaysaa gabi ahaanba waa in aad guulaysato, taariikhda Mourinho waxa ay kuu sheegaysaa in uu guulayte yahay. Markasta Manchester United waxa uu u ahaa doorasho fiican markii ay u soo bixi wayday Champions Leaquega”.Mourino and Roy Keane

Roy Keane ayaa tilmaamay in Mourinho uu ahaa tababare diyaar u ah Man United oo leh taariikh fantastik ah isla markaana uu noqon karo tababarihii Manchester ku haboonaa balse aanu isagu jeclayn wuxuuna yidhi: "Mourinho diyaar ayuu ahaa, wuxuuna leeyahay taariikh fantastik ah, waxayna u muuqataa mid ku haboon lakaiin laga yaabee in aanu aniga ila haboonayn”.Roy Keane is the current assistant manger of the Rep of Ireland

Roy Keane iyo Mourinho ayaa iskaga hor yimid Premier Leaquega markii uu ahaa tababare ku xigeenka Aston Villa, Mourinho ayaa isku dayay in uu garoonka ka baxo iyada oo aan ciyaartu dhamaan isla markaana uu Roy Keane gacan qaado basle kabtankii hore ee Red Devils ayaa ka cadhooday in Mourinho uu garoonka ka baxay iyada oo aan ciyaartu dhamaan, wuxuuna markaas eedayn wayn u soo jeediyay macalinka ree Portugal.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIY AAN

{SheekoTaxane ah}

Q/71AAD

indhah eygu waxaa ay arkaan waa quruxdaada alle uu kuu hibeeyey, ogoowna xayaati inaad tahay furihii mustaqbalkeyga ee ha I day icin walaaleey weligaa haddaad basher jira aad tahay ama qof buuxa oo alle uu dhinac kasta uu ka dhammeeys tirey aad tah ay, Ogoowna inaad tahay gaba dhii aan ka xushay cadradaha magaalada ku nool, hana noqon mid nagteyda dayacda waxa ana jec lay macaaneey marka aan ku soo Booqanaayo inaan kuu Keeno Xirmo Ubax ah iyo Shoobbin laga soo xulay Macdara daha Magaalada Muqdi sho ku yaala Iiyo welibana MacMac aan iyo Xalwiyaad .

Macaanto waxaa kale oo aan jeclahay markii aan kula hadla ayo inaan kugula hadlo hadallo mac macaan oo laabtaada qabo ojinaayo, farxadna kugu beera gacaliso ogoow jaceylku waa laf dhabar marka loo eego nolosha aadanaha waana midka kaliya ee lagu gaaro taran ama farac wuxuuna horseedaa in la helo is dhexgalka bulshada wada dhaqan waxaanse jira siyaabo bad an oo jaceylka dhabta ah kor loogu qaadi karo haba u badnaa daan marka mucaashaqiinta la yahay ee labada shaqsi ee is u hammuun qaba jaceylka waxaa uu u baahan yahay sheeko, ma da daalo iyo maawe elo keeni karta farxad iyo qosol waxaana ka mid ah:

In lammaanuhu ay kaftamaan si kalgacal leh midda kale Raxmo Abbaayo Mcaanto waxaan jeclahay inaan kula dalxiiso oo meelo ubax iyo il qabad lihi uu ka muuqdo aan kugula shee keysto, ogoowna macaanto inaan kalsooni buuxdo aan qalbiga kuugu qaaday.

Dhinaca kale gacaliso Raxmo la kulankaaga wuxuu door weyn ka qaataakalsoonida jaceyl keenna taasoo tiir adag u noq onta niyaddasamida iyo horumarka jaceylkeenna .

Midda klale waxan jeclayhay inaan ku faraxsanaano hadalladaa da miidda malabka ka macaam iyo inaan kula qoslo saacadaha aan ku hor fadhiyo gacaliso macaanto {ILOVE 114} Salaamaad Xabiibi.

Intaa ka dib C/qaadir waraaqihii intuu isku laabay ayuu Ba qshad Miiska u Dulsaarneyd ayuu dhexa kaga riday Daraad waa Aroornimo Jimco ah waxaa na ciyayo diiqii iyo shimbirihii arooryaad waana maalintii ay ballansanaayen lammaanayaashii is jeclaa ee XulBeella iyo C/qaadir , XulBeella waxaa ey jog taa gurigeedii waxaa eyna ka soo dul toostay firaashkeedii dab adeedna int ey cade ysatay bay saladii subax ee uu alle ku lah aa dukatay , salaadii ka dib dab bay shidatay dabadeedna kirl igii shaaha bey dabka ku tuurtay , daqiiqado yar ka dib kirligii int ay dabkii ka dejisay ayey laba Tarmuus oo dhinaceeda yaalay ku kala shibtay ka bacdi inteey koob shah ah shubatay bey qol keedii fadhiga la aadday .

Ka dibna inta kursi goobta ka ag dhawaa ag timid beey iska fariisatay dabadeedna miis hoteeda yaalay baykoobkii shaaha ahaa ey saaratay intaa ka bacdi Xul –Bella waxaa ay miiska dushiisa ka soo qabsatay warside jaceyl ah dabadeedna aqr is bey kula dhaqaaqday jaraa’idkii in cabbaar ah markii ay aqr isatay wargeyskii waxaa ay saacaddu soo gaartay {8: 00 suba xnimmo},intaa ka dib XulBeella waxaa loo keenay quraacdii ay maalintaa cuni laheyd iyadoo maalintaas ay quraacda u ke entay walaasheed Yusra ,XulBeella markii ey quraacdii ka fara xalatay ka dib inta ey soo qubeysastay ayeey u dhaqaa qday qolkeedii labbiska, dabadeedna dharkeedii xulka ahaa ayey ku labbisatay waxaa ayna isku buufisay xulkii Varfuunna da ee {al baquur iyo titanic}, ka dibna waxaa ey u soo dhaqaa qday bosteejadii ay gaariga ka raaci laheyd daqiiqado yar ka bac di bustejada ayeey soo istaagtay waxaana bus teejada yaalay gaari caasi ah oo ay saarnaaye en gabdho qura kaasoo ahaa mid u kireysanaa gabdha waa ay weydiisatay in ay la raacdo way na u oggolaadeen gaarigii ayey dhinaceeda la ra acday gabdha gaariga waxaay u kiresteen oo uu muraadkoo dana ahaa in ay ku aadaan xeeb ta liido gaariga markii ay sar anaayeen in cabaar ah waxaa la gaaray xeebta liido gaarigii ay aa la joojiyey xeebta liido bannaankeeda ka dibna gabdhihii ga arigii bey ka wada dageen, inta ay diracyadii iska wada sibe en bey buumooyin iyo funaanado isku wada reeb een markaa na u dhiib teen gabadhii XulBeellaaheyd iyagii oo dhanna ba ddii ayeey dabbaalasho u aadeen

La soco isniinta danbe insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi Dahab}



Tel: 0618455506

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip