Boqorka Sacuudiga oo kulamo la yeelanaaya Madaxda dalalka Soomaaliya,Jabuuti iyo Ethiopia

0
Sunday October 18, 2015 - 11:45:42 in Wararka by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga oo kulamo la yeelanaaya Madaxda dalalka Soomaaliya,Jabuuti iyo Ethiopia

    Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhamaadka bishaan uu tago dalka Sacuudiga si uu arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya uu ugala hadlo boqorka wadankaasi Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhamaadka bishaan uu tago dalka Sacuudiga si uu arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya uu ugala hadlo boqorka wadankaasi Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Diplomaasi Soomaali ah ayaa sheegay in waxyaabaha ay labada mas’uul ka wada hadli doonaan ay qeyb ka tahay Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Xarakada Al-Shabaab iyo sii xogeysiga gobolka ee Al-qaacida.

Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka hadli doonaan dadaalada loogu jiro xasilooni lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya iyo dar dar galinta dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadli doona boqorka qorshaha dowladda ee sanadka 2016-ka,madaxdaasi ayaa sidoo kale soo hadal qaadi doona dhibaatada dalka Yemen.

Boqorka Sacuudiga ayaa sidoo kale waxa uu u yeeray Madaxweynaha dalka Jbauuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hayla Maryam Disaliin.

Madaxda Dowladahaan ayaa qaba walaac la mid ah tan haysata dowladda Soomaaliya ee ku aadan kooxaha loogu yeeray argagexisada dhaq dhaqaaqyada gobolka ay ka sameenayaan gaar ahaan Al-Shabaab.

Dhanka kale Boqorka ayaa kulamo gooni gooni ah madaxdaasi la qaadan doona,waxaana ugu horeeya Madaxweynaha Jabuuti kulanka uu la yeelan doono.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa dibada uga amba bixi doona dalkiisa tan iyo markii la doortay waxyabaha bqoorka kala hadli doono waxaa kamid ah arimaha Somalia iyo Yemen.

Kulamadaan dhamantood ayaa quseeya sidii ay Sacuudiga wadamadaasi ay ula saxiixan lahayd heshiis dhinaca amaanka ah.

Xigasho:- somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip