Kooxo hubaysan oo Degmada Wadajir ku dilay nin ka shaqeynaayay Garoonka Aadan Cadde

0
Sunday October 18, 2015 - 11:06:18 in Wararka by
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubaysan oo Degmada Wadajir ku dilay nin ka shaqeynaayay Garoonka Aadan Cadde

    Kooxo hubaysan ayaa goor dhaweyd waxa ay Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeynaayay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, horayna uga soo shaqeeyay Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubaysan ayaa goor dhaweyd waxa ay Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeynaayay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, horayna uga soo shaqeeyay Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Somaliya. Dilkaan ayaa waxaa fuliyay dhagar qabayaal ku hubaysan Bistoolado kuwaasi oo rasaas la dhacay Ciise Beyle oo ka mid ahaa Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

Ciise Beyle, ayaa xilliga falka dilkiisa uu dhacaayay, wuxuu ku wajahnaa goobtiisa shaqada hayeeshe, dhagar qabayaal hubaysan ayaa rasaas la dhacay, taasi oo keentay in durba meesha uu ku naf baxo.

Qaar ka mid ah ehelada Ciise Beyle, ayaa u xaqiijiyay Dhacdo.com dilkaan goor dhaweyd in uu ka dhacay Xaafada Nasteexo.

Raggii hubaysnaa ee dilka geystay ayaa sidii caadada aheyd waxa ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen Ciise Beyle.

Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ayaa noqotay goobta ugu badan ee lagu beegsado dadka la shaqeeya Wasaaradaha Xukuumadda, iyadoo xaafadan dhowr mar lagu dilay Shaqaalo ka shaqeeya Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

Dilalka dhalinyarada waxbaratay ee Dowladda u shaqeysa ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, iyadoo tani muujinaysa sida uu u sii xumaanayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Biloowgii Bishan ayeey aheyd markii Degmada Wadajir lagu dilay Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ruux la socday oo rag hubaysan ay rasaas huwiyeen.

XIGASHO:- DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip