Maamulka Puntland oo soo bandhigay Doonyo iyo kalluumeysato ajaanib ah (Sawiro)

0
Sunday October 18, 2015 - 10:48:25 in Wararka by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland oo soo bandhigay Doonyo iyo kalluumeysato ajaanib ah (Sawiro)

    Ciidanka badda ee Maamulka Puntland ayaa shalay soo bandhigay doonyo ay ku soo qabqabteen hawlgallo ay dhawaan sameeyeen xeebaha Puntland. Doomahan la soo bandhigay oo gaarayay illaa lix doon ayaa waxaa la sheegay in ay si sharci darro ah uga kall

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka badda ee Maamulka Puntland ayaa shalay soo bandhigay doonyo ay ku soo qabqabteen hawlgallo ay dhawaan sameeyeen xeebaha Puntland. Doomahan la soo bandhigay oo gaarayay illaa lix doon ayaa waxaa la sheegay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Badda ee Maamulka Puntland Admiral cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in saddex ka mid ah doomahan laga leeyahay dalka Iiraan halka saddexda kalana laga leeyahay wadanka Yemen.

Shaqaalaha saarnaa doomahan ayaa waxaa ay gaarayeen illaa iyo 130 shaqaale oo u badan ajaanib hase ahaatee waxaa ku jira dhowr ruux oo Soomaali ah kuwaasoo illaalo u ahaa qaar ka mid ah doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayey xeebaha Soomaaliya.

Kalluumeysatada ajaaniibta ah ayaa lagu wadaa in la soo taago maxkamad iyadoo laga yaabo in ay mudan karaan xukuno xabsi iyo ganaax isugu jira/

Ma aha markii ugu horeysay ee maamulka Puntland uu soo qabto kalluumeysato ajaaniib ah oo ka kalluumeysanaya xeebaha Soomaaliya.

 donyo_3 donyo_4 donyo_5 donyo_6




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip