Dowladda Mareykanka oo qalab Millateri iyo ciidan u dirtay dalka Cameron, si ay ula dagaalamaan Boko Haram

0
Sunday October 18, 2015 - 10:17:45 in Wararka by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo qalab Millateri iyo ciidan u dirtay dalka Cameron, si ay ula dagaalamaan Boko Haram

    Iyadoo Dowladda Mareykanka ay horay u ballan qaadday inay ciidammo u direyso dalka Cameron, si ay ula dagaallamaan Kooxda Boko Haram, ayaa ciidankii ugu horeeyay oo ka socda Dowladda Mareykanka waxaa loo diray dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Dowladda Mareykanka ay horay u ballan qaadday inay ciidammo u direyso dalka Cameron, si ay ula dagaallamaan Kooxda Boko Haram, ayaa ciidankii ugu horeeyay oo ka socda Dowladda Mareykanka waxaa loo diray dalkaasi. Ciidamadan Mareykanka oo u diray dalka Cameron, ayaa waxaa wehliya qalab ciidan oo dhameystiran oo ay ka mid yihiin qalab lagu baaro Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo gaadiidka gaashaaman, qalabkaasi oo lagu wareejiyay ciidamada dalka Cameron

Colonel Jean Jacques Fouda u qaybsanaha ciidamada Milateriga dalka Cameron dhanka agabka ayaa sheegay gaadiidkaan gaashaman ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa oo ciidamada ay helaan ebed.

"Gaadiidkaan wuxuu difaacaya ciidamada ku jira howlgalada dhaadheer iyo dagaalka ka dhanka ah miinooyinka.” Ayuu yiri Colonel Jean Jacques Fouda.

General David Rodriguez U qaybsanaha Mareykanka howlgalada ka socda Qaarada Afrika, ayaa sheegay dhowr boqol oo ciidan inay taageeri doonaan ciidamada dalka Cameron, si ay uga hortagaan weerarada Kooxda Boko Haram.

Ciidamadan Mareykanka uu u diray dalka Cameron, waxa ay gaarayaan 90 Askari, waxa ay ka mid yihiin Askartaan 300 oo Mareykanka uu balan qaaday inay u dirayaan dalkaasi Cameron.

Ujeedada ciidamada Mareykanka uu ugu diray dalka Cameron ayaa ah inay la dagaalamaan Kooxda Boko Haram oo dhibaatooyin ka geysata dalkaasi.

Todobaadkii hore ayeey aheyd markii Madaxweynaha dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay in uu ciidamo u dirayo dalka Cameron.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip