Banaanbax lagu diidan yahay Maamulka Degmada Garbahaareey oo ka dhacay Degmadaasi

0
Saturday October 17, 2015 - 19:09:29 in Wararka by
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax lagu diidan yahay Maamulka Degmada Garbahaareey oo ka dhacay Degmadaasi

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, Banaanbax lagu diidan yahay Maamulka Axmed Madoobe uu u soo magacaabay Magaalada Garbahaareey ayaa saaka ka dhacay Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, Banaanbax lagu diidan yahay Maamulka Axmed Madoobe uu u soo magacaabay Magaalada Garbahaareey ayaa saaka ka dhacay Magaaladaasi. Banaanbaxan waxaa isugu yimid shacabka Degmada Garbahaareey oo intooda badan taageersan Maamulkii hore ee Degmada iyo sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Qaar ka tirsan dadka Banaanbaxa dhigaayay, ayaa Warbaahinta u sheegay inay isugu soo baxeen inay muujiyaan inaysan ku qanacsaneyn Maamulka Axmed Madoobe uu u soo magacaabay Degmada Garbahaareey.

Dadka waxa ay sheegayaan inaysan la shaqeyn karin Maamulka sababo ku aadan inaysan raali ka aheyn, waxa ay sidoo kale dadka ka cadheysan yihiin Dhoolatus la sheegay ciidamada Itoobiya inay ku soo bandhigeen Xaafadaha Magaalada Garbahaareey.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay bilaabeen baadigoobka Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Arintaan ayaa waxaa ka dambeeya Maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay Magaalada Garbahaareey, waxaana ay kaashanayaan ayuu yiri Xildhibaan Magan ciidamada Itoobiya.

Tan iyo markii Axmed Madoobe uu shaaciyay in uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, waxaa Gobolkaasi ka taagnaa Khilaaf dhanka Maamulka ah oo u dhaxeeya maamulka cusub iyo Maamulkii hore.

XIGASHO:dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip