Ra'iisal Wasaare Sharma'arke oo booqday Mid ka mid masaajidda ugu faca weyn Muqdisho + Sawirro

0
Saturday October 17, 2015 - 10:07:19 in Wararka by
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Sharma'arke oo booqday Mid ka mid masaajidda ugu faca weyn Muqdisho + Sawirro

    Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid ayaa booqday Masjidka Mowlaca Sheekh Muxudiin Celi oo ka mid ah masaajidda ugu waaweyn ee ku yaala magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu aabihii C/rashiid Cali Sharma'arke horay u tegi jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid ayaa booqday Masjidka Mowlaca Sheekh Muxudiin Celi oo ka mid ah masaajidda ugu waaweyn ee ku yaala magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu aabihii C/rashiid Cali Sharma'arke horay u tegi jiray. Xubnaha la socday Ra’iisal Wasaaraha waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha nabad sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Tuuryare, Nuur Xasan Xuseen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd iyo madax kale oo fara badan.

Cumar C/rashiid iyo madaxda la socotay ayaa booqday qeybaha uu ka kooban yahay masjidkaasi, iyagoona halkaasi kula kulmay culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo uu ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin, qadiibyada Masjidka iyo culimaa’udiin fara badan.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiin iyo xubno horay uga tirsanaa xukuumadihii dalka soo maray ayaa ka mid ahaa xubnaha uu Ra’iisal Wasaaraha kulanka la yeeshay, waxaana odayaasha dhaqanka ka mid ahaa Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye.

"Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay booqashada Ra’iisal Wasaaraha uu ku yimid halkaan, mana ahayn markii hore wax sahlan in mas’uuliyiinta Dowladda ay dadkooda dhex galaan” ayuu yiri Malaaq Cali Maxamed.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) isagoo sheegay in booqashada Ra’iisal Wasaaraha uu ku tegay Mowlaca Sheekh Muxudiin Celi ay ka tarjumeyso xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya madaxda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Celi-4Celi-6Celi-7Celi-9Celi-10Celi-12

Celi-1Celi-5Celi-2Celi-3





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip