Dawladihii ka dhashay Soomaaliya dan kama gelin geesiyaashooda & xisbigooda waddaniga ahaa S.Y.L(1-5)

0
Wednesday May 11, 2016 - 10:03:41 in Maqaallo by
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladihii ka dhashay Soomaaliya dan kama gelin geesiyaashooda & xisbigooda waddaniga ahaa S.Y.L(1-5)

    Shaki kuma jiro in xisbigii gobannimodoonka ahaa ee S.Y.L. (Somali Youth League) uu u soo halgamay gobannimadii Soomaaliya,waxaana xisbiga xubin ka ahaa dhammaan shacabkii waddaniyiinta ahaa ee Soomaaliya,wuxuuna xisbigu dagaal ku qaaday gumeystayaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaki kuma jiro in xisbigii gobannimodoonka ahaa ee S.Y.L. (Somali Youth League) uu u soo halgamay gobannimadii Soomaaliya,waxaana xisbiga xubin ka ahaa dhammaan shacabkii waddaniyiinta ahaa ee Soomaaliya,wuxuuna xisbigu dagaal ku qaaday gumeystayaashii, wuxuuna xisbigu doonayay in dalka lagu dhaqo diinta islaamka,waxaase nasiib xumo noqotay in dawladihii ka dhalatay Soomaaliya laga soo bilaabo tii Aden Cabdulle ilaa iyo tan maanta jirta aysan dan ka gelin geesiyaashooda iyo xisbigooda waddaniga ahaa ee SYL.

Dawlad kasta oo dunida ka jirta waxay ku faantaa oo ay qiime u yeeshaa geesiyaashooda, innaguna waxaa nalaga helayaa dad badan oo Soomaali ah oo la ujeeddo ahaa gumeystayaashii dalkeena xukumi jireen,kuwaasoo dantooda ahayd in ummadda Soomaaliyeed laga dhigo dal aan soo halgamin dad u soo halgamayna aanay lahayn,waxaase nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ah aan la illowsiin karin geesiyaashooda iyo xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L.,waxayna waddaniyiintaasi illoobi karin kuwii dhulkooda kala qaybiyay kalana qaybsaday qolo qolona u kala qaybiyay,waxay kaloo illoobi karin kuwii walaalahooda ahaa oo gacan saarka la ahaa gumeystayaashaasi.

Ummadda Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ah waa ummad xamaasad leh,taasina waxay markhaati u tahay sida ay u garab istaageen markuu ifka u soo baxay xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L.,wuxuuna xisbigu maalmo yar kaddib awooday in barnaamijkiisa uu ku baaho kuna fido dhammaan gobollada uu dalku ka kooban yahay iyo waliba Soomaalidii degganayd waddamadii ajnebiga ahaa,waxayna ummadda Soomaaliyeed naftooda iyo maalkooduba u hureen sidii uu u guulaysan lahaa xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L.,waxayna meel kastoo ay joogeen ku dhawaaqayeen gumeysi dooni meyno,gaalnimo dooni meyno,gunnimo dooni meyno,gobannimo ayaanu doonaynaa,waxaanu taageersanahay xisbiga S.Y.L. iyo geesiyaashooda.

Gumeystayaashu markii ay arkeen hawlahaasi waddaniyadda ah,waxay bilaabeen in ay kordhiyaan cadaadiskooda,waxayna la saaxiibeen shakhsiyaat Soomaali ah iyo axsaab aan waddani ahayn si ay u fuliyaan danaha gumeystayaasha iyaguna ay danahooda ku fushadaan, laakiinse falalkaas ay gumeystayaashu iyo saaxiibadooda kula kacayeen ummaddii qiiraysnayd kuma ridin wax niyad jab ah,waxaase sii kordhayay maalinba maalinta ka sii danbaysa siina xoogaysanayay isku xirnaantooda iyo isku duubnidooda,waxayna dagaal ay u wadajiraan ku qaadeen gumeystayaasha iyo kuwii ay isku fikradda ahaayeen.

Gumeystayaashii iyo Soomaalidii ay isku danta ahaayeen waxay ummadda Soomaaliyeed u diideen in ay gartaan kee baa saaxiib la ah,kee baana cadow la ah,waxayna danaystayaashu olole u galeen sidii ay ummadda uga dhaadhicin lahaayeen in gumeystayaashu ay dalka khayr u wadaan horumarna ay gaarsiinayaan.

Allaha u naxariiste 13kii dhallinyaro ee hormuudka u ahaa xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L. oo dhammaantood ifka ka tegay ayaa ummadda Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ahi murugoodeen markii ay arkeen intii u danbaysay ee geesiyaashaasi ka mid ahaa oo qaarna qaxooti ku ahaa dibedda,qaarna xabbad iska socota kun naf waayay qaarna ku silcay gudaha Soomaaliya,waxaanse Allah uga baryeynaa in jannadiisa fardowsa ah geliyo.

S.Y.L.(Somali Youth League) wuxuu ahaa xisbigii u halgamay in uu gobollada konfureed ka xorreeyo gumeysigii Talyaaniga,wuxuuna gacan iyo taageeraba ka helay shacabka waddaniyiinta ee Soomaalida ah,xisbigii S.N.L.na wuxuu ahaa xisbigii u halgamay in uu gobollada waqooyi ka xorreeyo gumeysigii Ingiriiska,wuxuuna garab iyo taageeraba ka helay shacabka waddaniyiinta ah ee Soomaalida.

Itoobiya waxay rumaysnayd ilaa iyo imminkana ay rumaysan tahay in Soomaaliya oo dhanba lagu soo wareejiyo Itoobiya iyadoo sabab uga dhigaysay:

-In Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriir jinsiyeed,taariikheed,diineed iyo mid dhaqaaleedba ayna wadaagaan nidaamyada dhaqaalaha,bulshada iyo qabiilkaba.

-Dekedaha Soomaaliya ee badweynta Hindiya waa dariiqa ganacsiga ee konfurta Itoobiya.

-Dhulka Soomaaliyeed ee uu ka taliyo Talyaaniga ma’ahan dhul isku filnaan kara,dhaqaale ahaan,xalka ugu fiicana waa in la hoos keeno Itoobiya.

-Haddii Talyaanigu uu ku soo laabto Soomaaliya taasi waxay khatar u tahay Itoobiya,waayo markuu Talyaanigu ku soo duulayay Itoobiya sannadkii 1935kii wuxuu saldhig ka dhigtay Soomaaliya.

Itoobiya waxay markasta isku dayaysay sidii ay Soomaaliya oo dhanba gacanta ugu dhigi lahayd,laga soo bilaabo duulaankii ay ku qaadday geesigii Axmed Gurey ilaa markii uu dalka Soomaaliya ka dhacay dagaalkii sokeeye 1990kii iyo kaddiba,waxayna markaasi heshay dad Soomaali ah oo ku garab siiya riyadeeda ahayd in Soomaaliya ay tahay qayb ka mid ah Itoobiyada weyn.

Soomaalidu mey noqon kuwo aqbala gumeysiga Ingiriiska iyagoo ka dheregsanaa dhibkii uu u geestay gumeysigii Talyaaniga gaar ahaan markay soo ifbaxday oo la ogaaday aragtiyada cusub ee ay la timid dagaal weynihii labaad ee adduunka oo ku saabsanaa xornimada iyo aaya ka talinta ummadaha,shacabka Soomaaliyeedna ee waddaniga ah uma kala duwanayn gumeystayaasha nooc kastuu ahaadaba,gaar ahaan markay si lama filaan ah u arkeen 07/08/1940 in gumeysigii Talyaaniga uu dalkii ka sii baxayo,waxaana markaasi sii xoogeystay iska warqabka Soomaalidii ku sugnayd meelihii uu Talyaanigu haystay,waxayna si lama filaan ah u arkeen in gumeysigii Ingiriiska uu ku soo noqday Soomaaliya 17/03/1941, Ingiriisku wuxuu markaasi u hawlgalay sidii ay gumeystayaasha kaleba sameeyeen in uu ka hortago dhaqdhaqaaq kasta ee waddani ah,markii danbane wuxuu ka hortagay labadii xisbi ee waddaniga ahaa ee S.Y.L ee ka dhisnaa konfurta iyo S.N.L. oo ka dhisnaa waqooyiga.

Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo gobannimodoon ahaa ayaa dalkii Soomaaliya ka bilawday kaasoo loogu gol lahaa in dalka Soomaaliya lagu soo dabbaalo cadceedda xorriyadda, sannadkii 1928kii waxaa dhaqdhaqaaq waddani ah oo la magac baxay jamciyadda khayriyada ka bilawday magaalada Hargeysa kaddibna wuxuu ku fiday gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo markaasi gumeysanaayay Ingiriiska,jamciyaddu waxay u hawlgashay sidii ay ugu halgami lahayd in gobollada waqooyi laga ciribtiro loogana saaro gumeystaha Ingiriiska oo cadaadis iyo kala sarraynba kula kacaayay shacabkii Soomaaliyeed,isagoo kala fadli yeeli jiray mushaharka ay qaadan jireen shaqaalihiisa,kaasoo shaqaalaha ajnebiga ahi uu siin jiray lacag dheeraad ah halka uu Soomaaliduna ka siin jiray lacag yar.

Sannadkii 1937kii waxaa jamciyaddii khayriyada madax u noqday Xaaji Faarax Oomaar wuxuuna u halgamay faafinta aqoonta carabiga iyo islaamka iyo ka hortagga gumeysiga, jamciyaddaasi waxaa xubin ka ahaa 28 xubnood afkaarteeda waddaniga ahaydna waxay ku faaftay dhammaan gobollada waqooyi ee Soomaaliya,Xaaji Faarxax Oamaar oo culunnta islaamka iyo afka carabigaba ku soo bartay magaalada Cadan ee dalka Yemen waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:"dhulkaygu uma oggoli in la qaybiyo”,wuxuuna ku geeriyooday magaalada Jikjiga sannadkii 1948kii isagoo markaasi u joogay musaafuris ahaan,wuxuuna jiray 120 sannadood waxaana lagu duugay magaalada Haregeysa sida uu ku dardaarmay intuu noolaa.

Gobollada waqooyi waxaa ka soo if baxay xisbi siyaasi ah oo waddani ah lana magac baxay xisbiga raabitada waddaniga Soomaaliyeed waxaana madax u noqday Sheekh Cumar Askar, ujeeddooyinka xisbiguna wuxuu ahaa:

-In la helo gobannimo buuxda oo aan shuruud lahayn.

-In la mideeyo dhammaan qaybaha Soomaaliyeed.

-In kor loo qaado heerka maciishadda shacabka Soomaaliyeed iyo in la kobciyo dhaqaalaha qaranka.

-In la ciribtiro jahliga lana fidiyo culuunta islaamka iyo afka carabiga.

-In lala dagaalamo qabiilka lana baabi’iyo nidaamka qabaliga ah ee xeerka loo yaqaano ee fasaadka ah,kaasoo uu ku adeegsanaayay gumeysiga kana danbeeyay abuuritaankiisa.

Dhaqdhaqaaqyo kaloo waddani ah oo gobannimo doon ah ayaa konfurta Soomaaliya ka dhashay,midkii ugu waddaniyaysanaa uguna caansanaa wadnihii shacabkuna ahaa,waxaa la oran jiray:S.Y.L.,wuxuuna ahaa xisbi gobannimo doon ah,wuxuuna dalka gaarsiiyay xornimada aynu maanta hiigsanayno,xisbigaasina waxaa la aasaasay bishii Mey 15keeda sannadkii 1943kii,waxaana hormuud u ahaa 13 dhallinyaro oo daacad ah,dalkooda iyo dadkooduna daacad u ahaa,waxayna kala yihiin:

-Yaasiin Xaaji Cusmaan

2-Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawadiin

3-Xaaji Maxamed Xuseen

4-Daahir Xaaji Cusmaan

5-Maxamed Cali Nuur

6-Maxamed Cusmaan Baarbe

7-Khaliif Huudow Macallin

8-Sayiddiin Xersi Nuur

9-Cusmaan Geeddi Raage

10-Dheere Xaaji Dheere

11-Cali Xasan Maslax

12-Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi

13-Maxamed Faarax Hilowle

Yaasiin Xaaji Cusmaan iyo Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Xaaji Maxamed Xuseen ayaa markii hore is-arkay oo wada kulmay kana sheekaystay dhibka ay gumeystayaashu ku hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed,waxayna markii danbe isla garteen in loo yeero dad kale oo lagu kalsoon yahay daacadna u ah dadkooda iyo dalkooda,waxay markaasi u yeereen dhallinyaradii kale oo qiiroda waddaninimo iyo daacadnimoba ka muuqatay,waxayna sidaas ku noqdeen 13 dhallinyaro oo geesiyaal ah oo naftood hurayaal ah.

13kaas dhallinyaro oo naftood hurayaal ahaa waxay isla garteen in ay marka hore furaan naadi ay ku kulmaan oo ay ku sheekaystaan afkaartooduna ay isku dhaafsadaan waxayna naadigaa ugu magacdareen naadiga dhallinyarada Soomaaliyeed (S.Y.C.).,markii danbana wuxuu isku beddalay xisbi siyaasi ah oo waddani ah,lana magac baxay:SYL.

Dastuurka xisbiga SYL,waxaa sal u ahaa ku dhaqanka shareecada islaamka,lana xoojiyo afka carabiga iyo in xiriir adag lala yeesho waddamada carabta iyo waddamada islaamka, xisbigu wuxuu maalmo yar kaddib awooday in barnaamijkiisa uu ku baaho gobollada dalka oo idil kana furo faracyo,mabaadii’diisuna ay meel kasta ku faafto.

Ujeeddooyinka xisbiga S.Y.L. waa ujeedooyin si cad u qayixan waxayn kala yihiin:

-In diinta rasmiga ah ee dalka iyo dadkuba lagu maamulayo ay noqoto diinta islaamka.

-In la adkeeyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed,nafsaddooduna lagu abuuro in ay daacad u noqdaan dalkooda,wax

kastana ay ka horumariyaan.

-In loo hawlgalo madaxbannaanida iyo midaynta dhulalka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumeysiga,si loo gaaro midnimada ummadda Soomaaliyeed,dalka oo idilna laga tirtiro gumeysiga nooc kastuu ahaadaba.

-In la diido fikrad kasta oo ku baaqaysa soo noqoshada uu Talyaanigu dib ugu soo laabanayo Soomaaliya.

-In loo hawlgalo sidii loo cirib tiri lahaa dhammaan caadooyinka xunxun ee bulshada dhex yaalo sida:qabiilka,qaraabakiilka,gobollaysiga iyo wixii la mid ah.

-In la horumariyo aqoonta,hiddaha iyo dhaqanka,laguna dadaalo sidii loo qori lahaa afka Soomaaliga.

-In xoogga la saaro sidii loo horumarin lahaa qaranka dhinacyadiisa siyaasadda,dhaqaalaha iyo bulshada.

-In la ixtiramo heshiisyada qaramada midoobay,xiriir wanaagsana lala yeesho shucuubta dunida ee xorta ah jecelna nabadda iyo degganaanshaha.

Waa inoo berri iyo qaybtii labaad inshaa Allah

W. Q. Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip