Tuugo Qaab Cusub dadka ku dhici jirtay oo lagu qabtay Muqdisho

0
Tuesday April 26, 2016 - 11:51:34 in Wararka by
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuugo Qaab Cusub dadka ku dhici jirtay oo lagu qabtay Muqdisho

    Ciidamada booliiska Saldhiga Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo burcad ah, kuwaa oo watay hub been abuur ah iyo gaari ay dadka wadooyinka maraya uga dhici jireen moobeelada iyo sidoo kale Cumputerada gacanta lagu qaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliiska Saldhiga Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo burcad ah, kuwaa oo watay hub been abuur ah iyo gaari ay dadka wadooyinka maraya uga dhici jireen moobeelada iyo sidoo kale Cumputerada gacanta lagu qaato.
Labadan nin ay qabteen ciidamada booliiska ayaa wadooyinka ku ugaarsan jiray dadka ay u arkaan in ay wataan moobeelo qaali ah iyo Cumputero, waxa ayna ddaka ku dhici jireen hub been abuur ah sida bistoolado, burcadan ayaana aheed nuuc cusub oo magaalada dhawaan kusoo korortay.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Gaab), ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay ku guuleesteen in ay soo qabtaan rag burcad ah oo dadka ku dhici jiray bistoolado aan jirin iyo gaari yar ay wateen.

Taliska booliiska ayaa soo bandhigay moobeelo badan ay ragan burcada ah dhaceen iyo sidoo kale Cumputer, waxa ayna ragan inta badan ka qaraaban jireen Degmooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa, waxaa sidoo kale magaladaa ka jira burcad ragan oo kala ah oo qaarkood wata hub caadi ah sidoo kale xiran dareeska ciidanka Dowlada.

12345




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip