Sheekh noloshiisa caan ku ahaa mucjisooyin kala duwan oo lagu siyaartay deg.Warsheekh+Sawirro

0
Tuesday April 26, 2016 - 11:06:04 in Wararka by
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh noloshiisa caan ku ahaa mucjisooyin kala duwan oo lagu siyaartay deg.Warsheekh+Sawirro

    Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay siyaarada Sheekh noloshiisa caan ku ahaa mucjisooyin kala duwan isla markaana ka mid ahaa caalimiinta Soomaaliyeed ee ku caan baxay fidinta diinta Islaamka, barashada Qur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay siyaarada Sheekh noloshiisa caan ku ahaa mucjisooyin kala duwan isla markaana ka mid ahaa caalimiinta Soomaaliyeed ee ku caan baxay fidinta diinta Islaamka, barashada Qur'aanka iyo cilmiga qeybihiisa kala duwan. Siyaarada Sheekhaan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamuud Ow Xasan (Sir maqabe) ayaa waxaa ka soo qeyb galay culumaa'udiin fara badan, mudarrisiin, mashaa'iq, macallimiinta Dugsiyada Qur'aanka dalka iyo dadweyne fara badan.
Xarumaha fidinta diina Islaamka ee degmada Warsheekh oo maalmahaan ay ka socotay Qur’aan akhris, digri iyo duco loo akhrinayay Sheekh Sir Maqabe ayaa shalay la soo gabagabeeyay, iyadoo boqolaal dadweyne ah ay isaga kala yimaadeen magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

Haddaba Allaha u naxariistee Sheekh Maxamuud Ow Xasan (Sir maqabe) maxaa lagu xusuustaa xilligii uu noolaa?, isagoo ka mid ah mashaa’iqda degan degmada Warsheekh ayaa waxaanu idiin soo gudbineynaa qeyb ka mid ah mucjisooyinkii uu lahaa oo ay ka mid tahay sababaha keenay in lagu naaneeso magaca (Sir Maqabe).

Sheekh Maxamuud Ow Xasan (Sir Maqabe) wuxuu gacanta ku hayay xer fara badan oo bari jiray diinta Islaamka iyo cilmiga, hase yeeshee mid ka mid ah dhallinyaradii cilmiga u soo doontay Sheekha ayuu raacsaday xoolo.

Ehelada wiilkii uu Sheekha xoolaha raacsaday ayaa ka war helay in wiilkooda uu hayo howl aan ahayn midii loo diray, markaas kaddib waxaa degmada Warsheekh tegay aabihii dhalay wiilka, markaasuu Sheekha ku yiri: "Sheekhow wiilka cilmi ayaan u soo diray maxay tahay xoolaha aad raacsatay?”.

Allaha u naxariistee Sheekh Sir Maqabe ayaa isugu yeeray xertii uu cilmiga barayay iyo wiilkii, markaasuu wiilkii iyo mid ka mid ah xertii u dhiibay Saab dabadeedna wuxuu yiri "Badda biyo iiga soo qaada saabkaan”.

Wiilkii xoolaha raaca ahaa wuxuu keenay saabkii oo biyo ku jiraan, midkii kalena saab biyo la’aan ah ayuu keenay, taasi oo mucjiso ku noqotay aabihii isla markaana waxaa kale oo wiilkii ka dalbaday inuu akhriyo 114-ka aayadood ee Qur’aanka Kariimka ah ka kooban yahay, wiilkiina wuu akhriyay.

Aabihii oo yaaban ayaa Sheekha ka dalbaday inuu cafiyo, isla markaana wixii maanta ka dambeeya aanu dacwo dambe ugu imaan doonin, bacdamaa uu gob joog ka ahaa mucjisooyinka uu wiilku dheer yahay xerta inteeda kale.

1234567

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip