Neef wayn oo ka soo fuqday shacabka ku dhaqan Magaalada Marka

0
Tuesday April 26, 2016 - 10:26:46 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neef wayn oo ka soo fuqday shacabka ku dhaqan Magaalada Marka

    Ka dib wada hadalada nabadeed ee laga dhex bilaabay beelihii ku dagaalamaayay Magaalada Marka iyo qaybo kaloo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay taasi rayn rayn gelisay shacabka reer Marka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib wada hadalada nabadeed ee laga dhex bilaabay beelihii ku dagaalamaayay Magaalada Marka iyo qaybo kaloo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay taasi rayn rayn gelisay shacabka reer Marka.

Heshiis horudhac ah oo beelahaasi ay Axadii ku wada gaareen Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa ka mid ahaa in labada maleeshiyo la kala qaado, lana isu furo isu socodkii Magaalada.

Tani waxaa soo dhaweysay bulshada ku nool Magaaladaasi, iyadoo dadkii dhiilada colaadeed ku barakacayna ay qaarkood bilaabeen dib inay guryahoodu ugu soo laabtaan.

Yaxye Macalin Aweys oo ka mid ah dadka degan Magaalada Marka, ayaa Dhacdo.com u sheegay qoysaskii ku barakacay xiisaddii Magaaladaasi inay hadda dib ugu soo laabanayaan aqaladooda.

Inkastoo sida uu Yaxye sheegay aan si rasmi ihi loo dhaqangelin heshiiskii horudhaca ahaa ee labada dhinac wada gaareen, ay hadana dadku rajo ka qabaan dhaqangalka heshiiskaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa beelahaasi ku ammaanay sida ay u soo dhaweeyeen in laga gudbo xiisaddii ka taagneyd Magaalada lagu naaneyso (Marka Cadey).

Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa ku soo noq noqday ismaandhaafka u dhaxeeya labadaasi beelood, iyadoo ayna burburiyeen heshiisyo ay horay u wada gaareen.

XIGASHO;-DHACDO.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip