Kulan loogaga hadlayay sida ay bulshada ula shaqeyn karto dowlada oo Jowhar lagu qabtay(Sawiro)

0
Monday April 25, 2016 - 20:08:10 in Wararka by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan loogaga hadlayay sida ay bulshada ula shaqeyn karto dowlada oo Jowhar lagu qabtay(Sawiro)

    Kulan wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay ururka SOSCENZA loogagana hadlayay qaabka loola shaqeyn lahaa dowlada ayaa lagu qabtay maanta magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay ururka SOSCENZA loogagana hadlayay qaabka loola shaqeyn lahaa dowlada ayaa lagu qabtay maanta magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada sida nabadoonada, culumaa’udiinka, aqoonyahanada,haweenka iyo dhalinyarada waxana ay ugaga doodeen sida loola shaqeyn lahaa dowlada la qorsheynayo in laga dhiso dhowaan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Dr C/hi Axmed Idow ayaa warbixin ku saabsan kulanka maanta ka soo jeediyay isagoo sheegay in kulankan uu sidoo kale ka dhacayo gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Koofurgalbed ee Soomaaliya.

Dadkii ka hadlay kulankan wadashiga ah ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cilmi Jidow Colow waxana uu ka warbixiyay qiimaha ay leedahay dowladnimada isagoo xusay in ay kala duwan tahay dowlad iyo dowlad la’aan.

"Waxaa loo baahan yahay in la ixtiraamo dowlada ayna dowladuna qadariso shacabkeeda isla markaana wadashaqeyn laga helo.”ayuu yiri nabadoon Cilmi Jidow Colow.

Guud ahaan ka qeybgalayaashii kulankan ayaa waxa ay ka hadleen baahiyaha jira gobolka iyagoo sheegay in loo baahan yahay in dowladu ay oggolaato fikirka xorta ah,inay ka shaqeyso horumarinta beeraha,xoolaha iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo lagu qabto magaalada Jowhar, waxana uu ku soo beegmay xilli uu ka socdo magaalada Jowhar wajiga labaad ee kulanka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

kulan (1)

kulan (2)

kulan (3)kulan (4)

kulan (5)

kulan (6)

kulan (7)kulan (8)

kulan (9)

xigasho;-jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip