Xildhibaan Cabdqadir Cosoble oo dalka dib ugu soo laabtay(Sawiro)

0
Monday April 25, 2016 - 19:45:22 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cabdqadir Cosoble oo dalka dib ugu soo laabtay(Sawiro)

    Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali Guddoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali Guddoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Siyaasiga C/qadir Cosoble oo hore isugu soo sharaxay xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya doorashadii 2012 ayaa mudadii uu joogay Imaaraadka Carabta waxa uu la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta iyagoo ka wadahadlay sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Xildhibaan C/qadir Cosoble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo maamulka gobolka Banaadir iyadoo sidoo kale ay joogeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Warar hoose ayaa sheegaya in laga yaabo dhowaan inuu Xildhibaan Cosoble uu ku dhowaaqo inuu u taagan yahay doorashada madaxtinimada dalka halka warar kalana ay sheegayaan in ay dhici karto in uu isu soo sharaxo xilka madaxtinimada maamulka labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Si kasta ha ahaatee xildhibaan Cosoble ayaa ah siyaasi muddo dheer ku soo jirey siyaasada dalka waxana uu ka mid yahay xubnaha baarlamaanka ugu cadcad ee marwalba u taagan inay u hadlaan danta shacabka.

1

2

3

45

6

7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip