Gabar Soomaaliyeed oo isaga baxday howlaha Saxaafadda iyo mihnadda Warbaahinta

0
Sunday April 24, 2016 - 20:30:05 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar Soomaaliyeed oo isaga baxday howlaha Saxaafadda iyo mihnadda Warbaahinta

    Saxafiyadda Caanka ah ee aadka loogu jecel yahay Barnaamijyada madadaalada iyo fanka iyo suugaanta Nimco Samriye ayaa ka soo yeedhay hadal anay jeclaysan taageerayaasheeda jeclaa iyo Bahda fanka somaliyeed gaar ahaan somaliland oo ay degantahay.Nimco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafiyadda Caanka ah ee aadka loogu jecel yahay Barnaamijyada madadaalada iyo fanka iyo suugaanta Nimco Samriye ayaa ka soo yeedhay hadal anay jeclaysan taageerayaasheeda jeclaa iyo Bahda fanka somaliyeed gaar ahaan somaliland oo ay degantahay.Nimco Samriye ayaa ku dhawaaqday in ay ka fadhiisatay dhinacii Mihnada saxaafadda ee ay muddada dheer ka soo shaqaynaysay ee ay udub dhaxaadka u ahayd,Nimco ayaa ka fadhiisashadeeda dhinaca warbaahinta iyo barnaamijyadeedii lagu jeclaa ku macnaysay in ay hada marwo xaas ah noqotay oo ay u goday arrimaha gaarka ah ee qoyskeeda.
Nimco Samriye ayaa waxa siwayn u tabi doona bahda fanka oo ay u ahayd ilays isla markaasina ahayd qof qayb laxaad leh ka soo qaatay dib u soo noolaynta fankii ay Caanka ku ahayd Hargeysa,iyada oo sabab u ahayd soo caan bixista fanaaniin badan oo Hargeysa ku nool sida kooxda Xidigaha Geeska waxaana ay gaar ahan ka mid ahayd udub dhexaad Telefishanka HCTV oo Barnaamijkeda loogu jeclaa.

Nimco ayaa sidaasi kus sheegtay qoraal ay barteeda facebook-ga ku baahisay waxaana uu u dhignaa sidan:-


” Waan Jeclahay Farxada, Qosolka iyo Madadaalada. waana Sababta aan ku Doortay Barnaamijyadii aan Mudaba idiin soo Gudbinayay ee Fanka, Suugaanta iyo Salaamaha.sidoo kale Nolosha Qoyska, Xaasnimada iyo Inaad Hooyo Noqotaa waa Farxad iyo Badhaadhe aan wax loo dhigaa jirin Hadiiba Alle kugu simo oo aad Nolosha ku kulantaan Qofkii ugu Haboonaa.Hadaad Rabto inaad Noqoto Hooyo Run ah Waxay kaa rabtaa Wakhti badan inaad galiso Sababtoo ah waa Masuuliyad u baahan Xil Gudasho Dhab ah.

nimco

Hadaba si aan Gaar ugu Noqdo Badweyntaa Macaan iyo Daawashada Mawjadahaas Quruxda Badan Waxa aan Go’aansaday inaan Gabi ahaanba Joojiyo Shaqadii Saxaafada ee aan kusoo jiray iyo la Shaqaynta Bahdii aan jeclaa ee HCTV.

Waan u Mahad celinayaa Dhamaantood Anigoon Qof Qof u xusi karin Qadarintii,Ixtiraamkii iyo Wanaagii badnaa ee ay i siiyeen Mudadii aan ka midka ahaa. wax walba oo la Bilaabaana waxay leeyihiin Meel ay ku Dhamaadaan.

Sidoo kale waxaan Salaan iyo Mahad naq Balaadhan u dirayaa Bulshadii igu Xidhnayd ina Xiisayn jirtay intaan Hawshaa kusoo jiray.

Ugu Danbayn aadbaan u Jeclahay Shaqada aan imika hayo oo ah taan Waligayba ku Riyoon jiray, waana Raali galinta Saygayga iyo Kool-Koolinta iyo Tarbiyada Inantayda Princess NOORA iyo Kuwa kale ee Alle na siiyo.Waad ku Mahadsantihiin Wakhtiga aad Qoraalkayga ku Akhrisateen”.

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip