Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu diray Talyaaniga "Sawirro"

0
Sunday April 24, 2016 - 13:55:57 in Wararka by
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu diray Talyaaniga "Sawirro"

    Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tababbar loogu qaaday dalka Talyaaniga, si ay halkaasi ugu qaataan tababbaro xirfadooda shaqo sare loogu qaadayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tababbar loogu qaaday dalka Talyaaniga, si ay halkaasi ugu qaataan tababbaro xirfadooda shaqo sare loogu qaadayo.

Saraakiisha tababbarka loogu qaaday dalka talyaaniga oo tiradoodu gaareyso 30 sareeyo, waxa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska.

Saraakiisha tababbarka loo qaaday oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in 25-sano kadib ay tababbar u aadaan dalka Talyaaniga.

Saraakiisha ayaa hadalkooda intaas ku daray "Aad baan ugu faraxsanahay safarka aan ugu baxeyno dalka Talyaaniga oo ah mid aqoon kororsi ah, oo aan fileyno inaan ka soo faa’iidi doono wax badan, runtii tan iyo markii uu yimid Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud”.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga fursadda ay saraakiishan u siisay inay aqoon kororsi ku soo qaataan magaalada Roma, waxaana uu kula dar daarmay saraakiisha inay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan oo waxyaabaha ay soo bartaanna ugu adeegaan bulshadooda.

"Waxaa sharaf noo ah inaan sagootino saraakiisha sare ee ciidanka booliska oo muddo tababbar ku soo qaadan doono magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, arritan waxa ay ka dambeysay booqashadii aan ku tegay bishii hore dalka Talyaaniga oo aan kula soo kulmay dhigeyga” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska oo hadalkiisa ku daray in tani ay qeyb ka tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda ay leeyihiin ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dadaal ugu jira sidii ciidanka booliska looga dhisi lahaa aqoontooda iyo xirfadaha kale ee ay leeyihiin.

A1A3A4BH0A9618BH0A9622BH0A9640BH0A9659




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip