Lix nin oo isku qarxisay wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhabaka

0
Sunday April 24, 2016 - 12:44:14 in Wararka by
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix nin oo isku qarxisay wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhabaka

    Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxay maanta fashiliyeen qaraxyo la doonaayay in weeraro looga gaysto Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxay maanta fashiliyeen qaraxyo la doonaayay in weeraro looga gaysto Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka, ayaa waxay saakay isu gadaameen guryo ku yaala inta u dhaxeyso wadada xiriirisa Baydhabo & Buurhakaba, gaar ahaan Deegaanka Raydable. Waxayna amar ku bixiyeen inay isa soo dhiibaan nimankii weerarada ku diyaarinaayay guryahaasi, waxayna ka biyo diideen inay sharciga isku soo dhiibaan.

Illaa sagaal nin oo guryahaasi ku sugnaa, ayaa waxay iska caabin ugala horyimaadeen Ciidanka Koonfur Galbeed, iyadoo kolkii ay rasaasta ka dhamaatayna ay lix ka midda is qarxisay, halka nolosha lagu soo qabtay saddexdii kale.

Ciidanka, ayaa sidoo kale waxay gacanta ku soo dhigeen suumanka ka samaysan walxaha qarxa, qoryo iyo rasaas, iyagoona u soo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Ee Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa wuxuu sheegay inay helayn macluumaadka ku saabsan raggaasi, isla-markaana ay la wadaageen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Koonfur Galbeed, kuwaa oo ku guuleystay buu yiri inay fashiliyaan weeraradii kooxda Ugus.

Taliyaha, ayaa tilmaamay saddexda nin ee ay gacanta ku soo dhigeen inay yihiin Amiiro Ururka Al Shabaab ka tirsan, iminkana ay ku hayaan Xarumaha Nabad Suggidu ku leedahay Baydhabo.

Aflow oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa bulshada kaga mahadceliyay wada shaqaynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka ee Gobolka Baay, wuxuuna ku booriyay inay sii wadaan xiriirka kala dhaxeeya Hay’adda NISA, maadaama ay Shabaabku yihiin koox si guud u dhibaateynaysa shacbiga Somaliyeed.

Ugu dambeen hawlgalkan, ayaa waxaan jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray Ciidanka Koonfur Galbeed.

xigasho:-dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip